Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Walcott oo halis ugu jira in uu seego billowga horyaalka Ingiriiska

(maantasomaliland):-Weeraryahanka kooxda Arsenal, Theo Walcott ayaa halis ugu jira in uu seego kulanka furitaanka horyaalka Ingiriiska oo dhici doona sabtida soo socota kagadaal markii uu dhaawac kasoo gaaray tababbarka xulka qaranka Ingiriiska.

Daily Mirror ayaa sheegeysa in Walcott uu dhaawac anqawga ah uu soo gaaray tababbarkii xulka Ingiriiska ee Isniintii, taas oo qasabtay in uu dhammeysan waayo tababbarka.

Ciyaaryahanka ayaa shaki badan la gelinayaa in uu kasoo muuqan doono kulanka saaxiibtinnimo ee xulkiisa England la yeelan doono xulka Scotland Arbacada, iyo kulanka furitaanka horyaalka Ingiriiska ee kooxdiisa Arsenal la leedahay Aston Villa Sabtida soo socoto.

Macallinka Ingiriiska, Roy Hodgson ayaa ku adkeysanaya in Walcott uu fiicnaan doono kana qeyb geli doono kulanka Scotland.

“Theo dhaawac yar ayaa soo gaaray dhmmaadka tababbarkii Isniinta, waxaan aaminsanhay in uu fiicnaan doono” ayuu yiri Hodgson.

abdikani kk

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com