Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Wargeysyada-1112111(maantasomaliland):-Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena meel kasta oo aad dunida ka joogtaan, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa wararka xanta ah ee wargeysyada ka soo baxa Ingariiska, Spain iyo Talyaaniga ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo aan saaka indhaha soo marmarinay.

Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada ama warbaahinta ku hor qoran, Laacib.net mas’uul kama ahan.

ENGLAND:

Xiisihii ay Real Madrid u qabtay xiddiga Tottenham Garteh Bale ayaa u muuqda mid sii qaboobaya ka dib markii tababare Carlo Ancelotti uu u sheegay madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez inuusan u texgelinin 24 jirkaan inuu muhim u yahay qorshihiisa xilli ciyaareedkan. (Daily Telegraph)

Laakiin Ancelotti ayaa doonaya in kooxda reer Spain ay dib u bilowdo wadahadalada xiddiga reer Wales, si ciyaaryahanka uu uga fogaado dhibkii uu maray Luka Modric markii uu ka soo tagay kooxda dhamaadkii suuqa kala iibsiga. (Daily Mirror)

Liverpool ayaa kula tartami doonta Tottenham saxiixa kubadsameeyaha reer Brazil Willian oo 25 sanno ah jir ah kaasoo haatan la jooga kooxda Ruushka ee Anzhi Makachkala kuwaasoo ka soo bixiyay ciyaaryahanka 35 milyan ginni. (The Sun)

Luiz Gustavo ayaa soo dhaweeyay inuu u dhaqaaqo Arsenal, iyadoo kooxda ay ka rajo qabto inay soo gabagabeyso heshiis 14 milyan ginni oo ay 26 jirkaan burburiyaha ah kaga soo qaadaneyso Bayern Munich isbuucaan. (The Guardian)

Weeraryahanka reer Cameroon Samuel Eto’o ayaa xiiseyn lahaa inuu Chelsea kaga soo biiro kooxda Ruushka Anzhi Makhachkala. 32 jirkaan ayaa ka soo hoos shaqeeyay tababaraha Blues Mourinho waxaana uu doonayaa inuu dib u la midoobo. ( Daily Mail)

Tababaraha kooxda Manchester City Manuel Pellegrini ayaa ka fiirsan doona inuu u dhaqaaqo daafaca dhexe ee 21 jirka kooxda Schalke Kyriakos Papadopoulos iyo 32 jirka kabtanka Napoli Paolo Cannavaro hadii uu ku guuldareysto inuu soo xerogeliyo 30 jirka Real Madrid Pepe. (Daily Mirror)

Amaahda ay Liverpool ugu dhaqaaqi laheyd daafaca bidix ee Bayern Munich Diego Contento oo 23 sanno jir ah ayaa ku xiran hadii Arsenal ay awoodi doonto inay dhameystirto heshiiska Luiz Gustavo, ka dib markii kooxda heysata Bundesliga ay sheegtay inay fasaxayaan kaliya xagagaan hal ama labo ciyaaryahan. (Daily Express)

Kooxda Crystal Palace ayaa dooneysa inay amaah ugu dhaqaaqdo weeraryahanka Aston Villa Darren Bent iyagoo heshiiska amaahda ka dib doonaya in qiyaar loo siiyo inay si joogta ah u iibsan karaan 29 jirkaan, waana hadii ay Premier League ku sii negaadaan. (Daily Telegraph)

Luis Suarez ayaa go’aan ku gaaray inuu ka aamuso arimaha mustaqbalkiisa inta uu la joogo xulka Uruguay, laakiin waxa uu weli doonaa inuu qasbado in la iibiyo xagaagan. (Daily Mirror/Daily Mail)

RASMI: West Brom ayaa heshiis amaah ah ku soo qaadatay ciyaaryahanka weerarka ee sida aadka ah loo qiimeeyo ee kooxda Udinese Matej Vydra.

Manchester United ayaa dooneysa inay Real Madrid kaga adkaato saxiixa xiddiga Tottenham Gareth Bale, waxaana ay Tottenham u soo bandhigayaan lacag iyo Javier Hernandez. (Daily Star)

Arsenal, Manchester United iyo Chelsea ayaa loo sheegay inay bixiyaan 17.2 milyan ginni hadii ay doonayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sevilla Geoffrey Kondogbia. (Daily Star)

Kooxda Doncaster ayaa dooneysa inay Manchester United amaah kaga qaadatay ciyaaryahan Federico Macheda. (Daily Mail)

ITALY:

AS Roma ito Francesco Totti ayaa ku dhow inay heshiis gaaraan, iyadoo la filayo in halyeeyga kooxda saxiixo heshiis labo sanno ah, islamarkaana loo sii sheego doorka uu kooxda ka qaban doono mustaqbalka marka uu ciyaaraha ka fariisto. (Corriere dello Sport)

Napoli ayaa bilowday inay dalab ka gudbiso Luis Gustavo, waxaana ciyaaryahanka khadka dhexe sidoo kale xiiseynaya Arsenal iyo Atletico Madrid, waxaana ay noqon doontaa dagaal seddex geesood ah. (Corriere dello Sport)

Alessandro Matri ayaa hal talaabo u jira inuu u dhaqaaqo kooxda Napoli, inkastoo Liverpool ay ku soo biirtay kooxaha xiiseynaya, laakiin weeraryahanka Juve ay la filayaa inuu doorto Naples. (Tuttosport)

Tababaraha Juventus ayaa doonaya inuu labo ciyaaryahan kale oo cusub kooxda keeno, iyadoo Juve ay haatan wadahadal kula jirto xiddiga Napoli Zuniga, hadana Conte ayaa doonaya weeraryahan kale uu kooxda keeno xagaagan. (Tuttosport)

AC Milan ayaa booskeeda tartamada Yurub u sii baneysay xiddiga kooxda CSKA Moscow Honda kaasoo la filaya inuu Rossoneri u dhaqaaqo maalmaha soo aadan. (Tuttosport)

Goolhayaha Sampdoria Sergio Romero ayaa qarka u saaran inuu u dhaqaaqo kooxda Faransiiska ee Monaco. (Sampdoria News 24)

Verona ayaa noqotay kooxdii seddexaad ee Serie A xagaagan ee xiiso u soo bandhigtay ciyaaryahanka suuqa ka saaran Juventus Reto Ziegler (Football Italia)

SPAIN:

Xiddiga diirada u saaran Real Madrid Gareth Bale ayaa sheegay inuu haatan ka hadli karin mustaqbalkiisa, iyadoo la fahamsan yahay inuu weli ka gadoodsan yahay Tottenham. (Marca/AS)

Goolhaye Daniel Aranzubia ayaa ku sii jeeda kooxda Atletico Madrid ka dib markii heshiis ay wada gaareen Atletico iyo Deportivo La Coruna, waxaana la filayaa inuu goolhayaha maanta maro tijaabada caafimaadka. (AS)

Arinta David Luiz ayaa ah mid taagan weli, Chelsea iyo Barcelona labadoodaba boosas adag ayay kala taagan yihiin, wakiilka ciyaaryahanka Bertolucci ayaa u sheegay kooxda Blues inuu ciyaaryahanka doonayo inuu baxo. Kooxda Ingariiska waxa ay dooneysaa 50 milyan euro, halka Barca aysan dooneynin inay bixiso wax ka badan 35 milyan euro. (Mundo Deportivo)

Barcelona waxa ay diirada saari kartaa daafaca Valencia Jeremy Mathieu ama kan Tottenham Jan Vertonghen haddii ay ku guuldareystaan soo xerogelinta midkood David Luiz ama Daniel Agger. (Mundo Deportivo)

Daafaca doonaya inuu baxo ee PSG Mamadou Sakho ayaa sidoo kale diirada u saarnaan kara Barcelona. (Sport)

Kooxda Fiorentina ayaa isku dayaysa inay ka dhaadhico ciyarayahanka khadka dhexe ee Real Madrid Xabi Alonso in marka qandaraaskiisa uu dhaco xagaaga soo socda inay iyaga si xor ah ugu biiro.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com