Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Felipe Scolari: Lionel Messi Labo Sanno Ayaa Ku Hartay Oo Uu Xiddig Adduun Ku Sii Ahaado.

269600_heroa(maantasomaliland):-Tababaraha xulka Brazil Felipe Scolari ayaa sadaaliyay in xiddiga Barcelona Lionel Messi inuu sii ahaan doono ciyaaryahanka ugu fiican adduunka labada sanno ee soo socota.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa afar jee roo isku xigta ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or, waxaana Scolari uu rumeysan yahay in 26 jirkaan laga filanayo waxyaabo kale ka hor inta uusan waqtiga gacmaha ka xirin qaab ciyaareedkiisa.

“Waxaan qabaa in Lionel Messi uu sii ahaan doono ciyaaryahanka ugu fiican adduunka labada sanno ee soo socoto iyo wax la mid ah.” ayuu yiri Scolari.

“Messi kaliya kooxda uma ciyaaro, laakiin waxa uu sidoo kale leeyahay farsamo cajiib ah oo u gaar ah. Waxa uu awood u leeyahay in isaga kaligiis uu go’aan ka gaaro natiijo ciyaar.”

Tababaraha reer Brazil ayaa markaasi ka dib ka hadlay Neymar oo 21 sanno jir ah isagoo sheegay inuu u baahan yahay waqti uu kula qabsado kubada Yurub, laakiin waxa uu kalsooni ku qabaa inuu ku guulo ku gaari doono Barca.

“Haatan uu Barcelona joogo, Neymar waxa uu soo bandhigi karaa awoodiisa farsamo, waxaana uu sameyn karaa talaabooyin la mid ah kuwa Messi.

“Sannadkiisa ugu horeysa Spain waxa ay noqon doontaa inuu saldhigto islamarkaana lana qabsado taatikada cusub. Brazil marka aan joogno kama fekerno taatikada sida ay uga fekeraan Yurub, Neymar waa ku qasban yahay inuu la qabsado.

“Waxa uu doonayaa inuu wax barto, inkastoo uu kubad heer sareeya ah ku ciyaari doono, xulka Brazil, La Liga iyo Champions League.”

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com