Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababaraha xulka Italy ayaa laga yaabaa inuu soo safo line-up uu ka maqan yaahy Mario Balotelli arbacada kulan saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayaan Argentina.

by abdikani

Mario-Balotelli_0(maantasomaliland):_Tababaraha xulka Italy ayaa laga yaabaa inuu soo safo line-up uu ka maqan yaahy Mario Balotelli arbacada kulan saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayaan Argentina.

Weeraryahanka AC Milan ayaa dhaawac uu ka soo gaaray jilibka tababarkii isbuucaan, waxaana dhaqtarka xulka Enrico Castellacci uu soo jeediyay in Balotelli laga yaabo inuu seego kulanka xulka South America ka dhisan.

“Dhaawac yar ayaa ka soo gaaray jilibkiisa midig, waa jilib uu hadda ka hor qaliin ku sameeyay, marmarna barar ayaa soo gala” ayuu Castellacci u sheegay website-ka xiriirka kubada cagta Italy FIGC.

“Biyo yar ayaa uga jira jilibka laakiin ma ahan wax laga walwalo. Waxa uu garoonka uga baxay si aan riski loo gelinin.

“Miyuu ciyaari doonaa kulanka Argentina? Taas waxa ay ku xiran tahay sida jilibkiisa uu noqdo saacadaha soo socda. Laakiin uma baahna baaritaan dheeri ah oo lagu sameeyo.”

Kulanka habeen danbe waxa uu ka dhacayaa caasimada Italy Rome 10:45pm SGA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com