Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda West Ham United ayaa ku dhawaaqday inay dhameystirsay saxiixa xiddigii garabka ee kooxda Liverpool Stewart Downing.

by abdikani kk

DowningKooxda West Ham United ayaa ku dhawaaqday inay dhameystirsay saxiixa xiddigii garabka ee kooxda Liverpool Stewart Downing.

Downing oo labo sanno ka hor heshiis 20 milyan ginni ugu biiray Liverpool markii uu ka soo tagay Aston Villa ayaa haatan Anfield uga tagay heshiis lagu sheegay 5 milyan ginni inkastoo labada kooxoodna aysan ka hadlin lacagta heshiiska.

Xiddiga reer England oo ka muuqan waayay kooxda Merseyside ayaa haatan si joogta ah ugu biiray kooxda West Ham isagoo u saxiixay heshiis afar sanno ah.

Downing oo xulkiisa England u saftay 34 kulan ayaa noqonaya saxiixii shanaad ee West Ham ee xagaagan ka dib markii ay soo xerogeliyeen saaxiibkiisii hore ee Liverpool Andy Carroll, kabtanka Romania Razvan Rat, goolhayaha reer Spain Adrian iyo ciyaaryahanka mustaqbalka leh ee khadka dhexe Danny Whitehead.

Downing ayaa sidoo kale ka garab ciyaaray Joe Cole intii uu joogay Liverpool iyo xulka England oo ay kuwada ciyaareen.

Waxa uu kooxdiisa cusub u xiran doonaa maaliyada No. 23

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com