Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Daaficii hore ee Barcelona Eric Abidal ayaa qirtay inuu u maleynayay inuusan wax rajo ah ka laheyn inuu ku laabto xulka qaranka France

by abdikani

abidal1(maantasomaliland):-Daaficii hore ee Barcelona Eric Abidal ayaa qirtay inuu u maleynayay inuusan wax rajo ah ka laheyn inuu ku laabto xulka qaranka France.

33 jirkaan ayaa ka tagay xagaagan Camp Nou isagoo ku biiray Monaco, waxaana haatan lagu soo daray xulka Les Bleus ee tababare Didier Deschamps u magacaabay kulanka berri ee saaxiibtinimo ee Belgium.

Waxaana halyeeygan uu qirtay in warkaas uu ku noqday mid lama filaan ah.

“Waxaan u maleynayay inaanan rajo ka laheyn inaan xulka ku laabto ka dib wixii aan maray labadii sanno ee u danbeysay” ayuu Abidal ku sheegay shir jaraa’id.

“Laakiin sharaf ayay ii tahay inaan soo laabto islamarkaana xirto maaliyada France.

“Waan faraxsanahay, waxaana ku riyaaqayaa nolosha. Ka dib wixii dhacay, kaliya waxaan ku faraxsanahay inaan awoodo inaan garoon dhex istaago

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com