Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kubadsameeyaha kooxda Ajax Christian Eriksen ayaa u sheegay BT.dk in Tottenham ay tahay koox xiiso leh laakiin uusan wax wadahadal ah haatan kula jirin.

by abdikani

Christian-Eriksen(maantasomaliland):-Kubadsameeyaha kooxda Ajax Christian Eriksen ayaa u sheegay BT.dk in Tottenham ay tahay koox xiiso leh laakiin uusan wax wadahadal ah haatan kula jirin.

Xiddiga reer Denmark oo 21 sanno jir ah ayaa ka mid ah ciyaartoyda lala xiriirinayay inay dhaqaaqayaan xagaagan, waxaana si aad ah loola xiriirinayay Liverpool halka Borussia Dortmund ay sidoo kale xiiseyneyso.

Laakiin waxa uu haatan sheegay in Tottenham ay tahay koox xiiso leh, balse waxa uu carabka ku adkeeyay inaysan jirin wax wadahadal ah oo uu kula jiro.

Waxa uu u sheegay BT.dk: “Tottenham waa koox weyn. Waxaana sidaas ku ogaaday markii aan la hadlay Jan Vertonghen. Waa koox fiican oo aad xiiso u leh, laakiin ma jiraan wax xiriir ah oo aan yeelanay.

“Waan arki doonaa waxa dhaca labada isbuuc ee soo socota. Inta aan ka warqabo ma jiraan wax wadahadalo ah oo aan la leeyahay Ajax ama koox cusub.

“Go’aankeyga waa sidiisii. Waxaan raadinayaa dalabyo xiisgo leh, hadii aysan waxba soo bixin waxaan sii joogayaa Ajax.

“Kooxo Ruush ah ayaa i soo dalbaday, laakiin waqti iguma qaadan inaan diido.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku biiro mid ka mid ah shanta horyaal ee ugu waa weyn. Waxaan heystaa feker ah inaanan rabin anigoo da’daan jira inaan aado Russia. Lacag ma raadiyo.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com