Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Suriyaan iyo Hilib Adhi

surbiyaan hilib adhi

surbiyaan hilib adhi

Waxa loo baahanyahay:
Basasha iyo Sabiibta la ikushiilay

  • 1/4 koob saliid
  • 1 basal la jarjaray
  • 1/2 koob sabiib

Sacfraan iyo biyo 

  • 1/4 koob biyo ah
  • 1 malqaacad yar sacfraan

Bariiska

  • 3 koob bariiska basmatiga
  • 5-6 koob oo biyo ah

Sanuunada Hilibka:

  • 500g hilib adhi, la googooyay
  • 1 basal la googooyay
  • 2 tamaandho, la googooyay
  • 2 toon la tumay ama lagoogooyay
  • 1-2 malqaacadood kamasaro, googoan ama latumay
  • 2 malqaacad yar geedo adari
  • 2 malqaacad yar khamuun
  • 1-2 basbaas cas
  • 2-4 malqaacadood saliid
  • 5 hayl layara klafuray
  • 2 qolofol ah
  • 2 malqaacadood liin dhanaan

Habka loo samaynaayo:

Basasha iyo Sabiibta la ikushiilay Maqli dabka saar,saliida ku shub, basasha shaaxidi.
Markay shaaxido sabiibta ku dar oo in yar ku daa ilaa inta ay kalabaxayso.
Dabka ka qaad saliida sifiican uga miir.
Dhinac dhigo hadhow ayaa bariiska dusha lagaga shubayaa.

Sacfraan biyo lagu radiyay:
Madiibad yar sacfraanka ku radi biyaha, sug 4 ilaa 20 mirir.

Bariiska oo la karkariyay:
Biyaha ku karkari disdi, kadib bariiska maydh oo kushub biyaha.
Milix yar ku dar oo karkari ilaa 4 mirir.
Bariiska lama wada karinayo ee waxa ladoonayaa in marlabaad
sanuunada lagu kariyo. Shaando kakaga miir biyaha, dhinac iska dhig.

Sanuunada Hilibka:
Disdi yara weyn saliida kushub hilibka ku shaaxidi labada dhinacba.
Basasha ku rid oo shaaxidi.
Ku rid haylka, qolofolka,liinta, toonta, tamaandhada, xawaashka iyo kamasarada.
Isku walaaq ilaa sadex mirir karkari koob badhikii oo biyo ah ku dar.
Dab dhexdexaad ah ku karkari oo dabool, ilaa 10 -15 mirir.
Kadib soo qaado Bariiskii dabadeed ku shub.
Basahii du sha kaga shub.
Biyihii sacfraanka kudulshub.
Daboolka saar oo ku karkari dab dhexdhexaad ah, ilaa uu bariisku bislaanayo
biyuhuna ay gudhayaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com