Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo maanta ka qayb galay kulan balaadhan oo lagaga hadlayey siyaasada arimaha debada Somaliland iyo aqoonsiga ayaa waxa uu sheegay inay Somaliland dhibaato badani ka soo gaadhay wada hadaladii lala furay wadanka somaliya

Inaga iyo Xamar marka aynu wada hadalno way inaga reeyaan goor walba, waxaan tusaale u soo qaadanayaa wakhtigii lixdankii raysal wasaarihii, labadii taliye ciidan, wasiirkii arimaha gudaha iyo wasiirkii maaliyada intaas ayey isku wada darsadeen markaas ayeynu aqbalnay, maantana ta socotaa waxay u eegtahay tii hore.?

Xaashi CilmiHargeysa(maantasomaliland):-Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mida xubnaha golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa si adag u dhaliilay wada hadalada haatan ay xukuumada somaliland la wado dawlada somaliya.

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo maanta ka qayb galay kulan balaadhan oo lagaga hadlayey siyaasada arimaha debada Somaliland iyo aqoonsiga ayaa waxa kale oo uu sheegay inay Somaliland dhibaato badani ka soo gaadhay wada hadaladii lala furay wadanka somaliya

Ugu horayn Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlaya wakhtigii ay Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay somaliya ayaa waxa uu yidhi “markii aynu xornimadeena kala soo noqonay wadanka somaliya dawladihii iskaga danbeeyey Somaliland ilaa markii aynu soo galnay
dalka way ka seexdeen inay xabaalihii iyo wixii laynagu sameeyey meel dhigaan oo dabadeed aan layna waydiin maxaa idinku kalifay inaad goosataan.”

Eng:-Maxamed Xaashi Cilmi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in somaliland ay mar kasta ku khasaarta wada hadalka ay la gasho somaliya waxaanu yidhi ?Inaga iyo Xamar marka aynu wada hadalno way inaga reeyaan goor walba, waxaan tusaale u soo qaadanayaa wakhtigii lixdankii raysal wasaarihii, labadii taliye ciidan, wasiirkii arimaha gudaha iyo wasiirkii maaliyada intaas ayey isku wada darsadeen markaas ayeynu aqbalnay, maantana ta socotaa waxay u eegtahay tii hore.?

Eng:-Maxamed Xaashi Cilmi oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qodobo dastuuri ah oo uu sheegay inay jabisay xukuumada Somaliland, kuwaas oo ku saabsan xoriyada ay Somaliland u leedahay hawada,bada iyo isgaadhsiinta waxaanu yidhi “Marka aad distoorka eegto qodobka 38 waxa uu odhanayaa himilooyinka xil gudashada baarlamaanka waxa ugu muhiimsan aarimaha soo socda

Sugida nabad galyada iyo amniga jamhuuriyada iyo madax banaanida maamulka dhulkeena, hawadeena iyo badeena.

Hawadii waa tii socotay waana tii ay ku soo saxeexeen wadanka Turkey iyada oo aan waxba layska waydiin, imikana waxa socota isgaadhsiintii oo lanbarka 063 waxa weeyaan wadankeena, Puntland-na waa 062 xamarna waa 061, badiina waata imika loo soo galay, markaa inta aynu wada hadal ka hadlayno ayey wax waliba dhamaanayaan, madaxdoodu waxay ku hadashana waynu ognahay, markii la tagay Dubai wasiirka imaaraadku waxa uu yidhi midawga somaliya ayuu ka hadlay madaxweynaha Somaliland, madaxweynaheenuna muu odhan arintaa kamaan hadal ee wuu ka aamusay, madaxweyhaha somaliya iyo raysal wasaaraha somaliya waxa ay ku hadlayaan midna jawaab lagama bixiyo marka aad eegto arimaha noocaas ahna waynu eednay wada hadaladii.?ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi

Eng:Maxamed Xaashi waxa uu sidoo kale ka hadlay shirarkii ay Somaliland ka qayb gashay tan iyo wakhtigii wada hadalka ay la furtay dawlada somaliya isaga oo sheegay inay shirarkaasi fogeeyeen ictiraafkii Somaliland isag oo si weyna u dhaliilay shirarkii uu wasiirkii hore ee arimaha debada Somaliland kaga qayb galay wadamada Kenya iyo Ingiriiska waxaanu yidhi ?Shirkii ingiriiska ayaa ugu horeeyey mid aynu ka qayb galno inaga oo aan somaliya ka mid ahayn, ka qayb galkiina waxa uu ina dhaxal siiyey in ingiriiskii aynu dhulkiisa tagnay ictiraafo somaliya oo maraykanku ictiraafo.

Markaa waxa weeyaan ictiraafkii wuu inaga fogaaday waxaana fogeeyey shirarka aynu somaliya la galayno iyaga oo dhan, inbaa guul ah taas oo ah marka aynu isku cidlaysano ee aynu shirka gaarka ah galno, shirkii uu wasiirka arimaha debadu kaga qayb galay Nairobi waxa uu ahaa masiibo, kii ingiriiskuna waxa uu ahaa masiibo, mid ay iyagu qabsadaana inaynu ka qayb galno waa xaaraan ayaan anigu qabaa, wada hadalka wax ka soo baxayaa ma jiraane wixii inaga maqan sidii aynu u soo ceshan lahayn aynu ka wada hadalno, wada hadal kasta oo aynu somaliya la galnana inaga ayaa ku khasaarayna.”ayuu yidhi Eng:Maxamed Xaashi Cilmi.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com