Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xulka Qaranka Spain ayaa si sahlan ku dardartay Xulka Ecaudor.

Spainmaantasomaliland):-Xulka difaacanaya Koobka Adduunka iyo Koobka Yurub Spain ayaa si sahlan ku dardartay xulka Ecaudor oo marti loo ahaa oo ay 2-0 kaga badiyeen ciyaar saaxiibtinimo.

La Roja waxaa goolasha u furay ciyaaryahanka cusub ee Manchester City Alvaro Negredo daqiiqadii 25aad isagoo kubad si sahlan shabaqa u dhex dhigay.

Goolkaas ayaana waxa uu gabagabo u ahaa abaar dhanka goolasha ka heysatay Negredo 237 daqiiqadood oo uu ciyaaray kulamo heer caalami ah.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay Spain hogaanka ku heysay. Waxaana waxoogaa markii ay socotay qeybta labaad ee ciyaarta la bedelay goolhaye Casillas kaasoo sii dheereysanaya rikoorkiisa aan gool looga dhalin 88 kulan oo heer caalami ah.

Xiddiga Man United Valencia ayaa kubad madax aheyd birta ay ka beenisay inkastoo kubada ay dhaaftay Valdes, laakiin wax yar ka dib waxaa hogaanka dheereysatay Spain markii xiddiga Arsenal Santi Cazorla uu kubad shabaqa cusjiyay markii baas cirib ah uu ka helay da’ yarka Barcelona Tello.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay ku badiyeen xulka tababare Vicente del Bosque ee Spain.

Spain ayaa kulan saaxiibtinimo kale la ciyaari doonta xul South America ka dhisan iyadoo wajaheysa Chelsea 10ka bisha soo socota ee September.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com