Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Cirstiano Ronaldo Oo Portugal Ka Badbaadiyay Guuldarro Ka Dib Barbaro Ay La Galeen Holland.

Cirstiano Ronaldomaantasomaliland):-Gool soo daahay uu dhaliyay Cristiano Ronaldo ayaa ka saaciday xulka Portugal inay barbaro 1-1 ah ku qabtaan xulka Netherlands ciyaar saaxiibtinimo oo labada xul ku dhexmartay Faro.

Xulka Netherlands ayaa hogaanka ciyaarta ku hormaray markii xiddiga cusub ee AS Roma Kevin Strootman uu shabaqa ka soo toogtay geeska xerada ganaaxa 17 daqiiqo markii ay ciyaarta socotay.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo Holland ay hogaanka ku heysay inkastoo xulka martida loo ahaa ee Portugal ay ciyaarta ka dhex muuqatay balse dhameystir la’aan ay heysay.

Qeybtii labaad ayaana Portugal ay ciyaarta ku bilaabatay si weerar ah, iyadoo goolhayaha Netherlands uu kubad gool loo fishay ka badbaadiyay Cristiano Ronaldo.

Laakiin Ronaldo ayay ku qaadatay daqiiqadii 87aad inuu u barbareeyo xulkiisa Portugal markii kooner la soo tuuray ku dhacday Pepe ka hor inta aysan meel banaan ugu imaanin Cristiano Ronaldo kaasoo shabaqa cusjiyay.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah oo ay ku kala baxeen labada xul ee Portugal iyo Netherlands.

Labadan xul ayaa kulmay 12 jeer, iyadoo markaan ay aheyd markii afaraad ee ay barbaro galaan, waxaana 7 jeer badisay Portugal halka Holland ay badisay kaliya hal kulan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com