Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Luiz Gustavo oo qarka u saaran inuu ku biiro Wolfsburg

Luiz Gustavomaantasomaliland):-Laacibka reer Brazil ee kooxda Bayern Munich Luiz Gustavo oo maalmahanba diiradda u saarnaa kooxda Arsenal ayaa iminka la soo wargalinayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ku biiro kooxda Wolfsburg ee isla dalka Jarmalka.
Jariiradda afka dheer ee Bild ee ka soo baxda dalka Jarmalka ayaa qortay in 26-jirkan reer Brazil lagu wado in adduun dhan 12.8-milyan oo bound ugu dhaqaaqo kooxda Wolfsburg.
Gustavo oo isagu bartilmaameed u ahaa kooxaha ka wada dhisan London ee Arsenal iyo Chelsea ayaa lagu wadaa inuu sii joogi doono Bundesligaha dalka Jarmalka.
Inkastuu Gustavo sheegay inuu raboonayo inuu ku biiro Arsenal ayaa misane la soo sheegayaa inuu iminka ku dhow yahay inuu ku biiro kooxda Wolfsburg.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com