Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis Oo Nairobi Kullamo Xasaasi ah kula yeelanaya Qaadhaan-bixiyeyaasha

Wasiirka-cusub-ee-Arrimaha-dibadda2Hargeysa (maantasomaliland):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyada
Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay socdaalkiisii ugu horeeyey ee rasmi ah ugu kicitimay dalka Kenya tan iyo markii uu qabtay xafiiska 27 July 2013.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay in socdaalka wasiirku la xidhiidhay martiqaad uu ka helay ergayga gaarka ah ee Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland, Ambassadoor Michele Cervone D’urso, waxaanay sii amba qaadi doonaan sida warku sheegay wax wada qabsiga u dhexeeya Somaliland iyo dalalka deeqbixiyeyaasha ee ku saabsan mabaadiida hirgelinta heshiiska cusub ee dawladaha nugul.

Warsaxaafadeedka oo uu ku saxeexnaa afhayeenka wasaaraddaasi Axmed Yuusuf Cilmi “Suudi” waxa kale oo uu sheegay inuu wasiir khaarajigu kulamo la qaadan doono xafiiska isku dubbaridayaasha Qaramada Midoobay ee dawladaha xubnaha ka ah Midawga Yurub iyo dawladaha kale ee qaadhaan bixiyeyaasha ah. Waxaanay wada hadallada dhiggiisa deeqbixiyeyaashu xudun u noqon doona sidii habka ugu wax ku oolsan loogu isticmaali lahaa mucaawinada ku waajahan baahiyaha horumarineed ee Somaliland, iyada oo la saarayo culeyska kor u qaadista lahaanshaha iyo la xisaabtanka.

Warsaxaafadeedku waxa uu intaa ku darey ka sokow wada hadallada heshiiska cusub ee wax wada qabsiga, waxa kale oo uu Mr. Yoonis gaadhsiin doonaa dhambaalkii madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu ka jeediyay khudbadiisii ciida ee ku saabsanaa mowqifka Somaliland ee ka qaybgalka shirka heshiiska cusub ee wax wada qabsiga ee 16 Sebtember ka dhacaya Brussels.
Warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda, waxa lagu soo afjaray inay dawladda Somaliland ay rajaynayso sii xoojinta wax wada qabsiga Midawga Yurub iyo dawladaha qaadhaan bixiyeyaasha ee lagu taageerayo sii xoojinta dimuqraadiyadda iyo horumarka.

Geesta kalena Afhayeenka wasaaradda Khaarajigu waxa uu soo saaray warbixin dheer oo ay bulshadda ku fahamsiinayaan dulucda iyo faa’iidooyinka Somaliland ugu jirta heshiiskan, waxaanay war-bixintaas oo dheerayd u dhignayd sidan:-

“Muxuu yahay “Heshiiska Cusubi” qaabkeese ayuu ula xidhiidhaa Somaliland?

Warbixin kooban oo ku saabsan Heshiiska Cusub:
Heshiiska Cusub waxa aasaasay wadamada g7+ (wadamo ay colaaduhu hore u saameeyeen, haddana haya tubtii horumarka) iyo 19 waddan oo colaadaha ka soo baxay, waana hanaan iyo qaab-hawleed loo dhammaystiran yahay oo ay deeq bixiyeyaashu kaga hawlgelayaan wadamada nugul ee dhaqaale ahaan liita. Mabaa’dii badan waxa uu heshiiskani kala wadaagaa qorshe-hawleedkii hore ee mucaawinada wax-ku-oolka ah (aid affectiveness frameworks), laakiin waxa uu dheer yahay iyada oo awoodda la saarayo isku-xidhka bulshada, dhisidda waddanka iyo lahaanshaha qaran. Illaa hadda, todoba waddan ayaa saxeexay hirgelinta Heshiiska Cusub.

Muxuu yahay Heshiiska Cusubi?
Heshiiskan Cusubi maaha mucaahado ama heshiis haddii dhinac ka mid ahi ka baxo uu ciqaab ku mudanayo (binding contract), laakiinse waa qaab-hawleed-tilmaamo la ballanqaaday oo looga dan leeyahay kor-u-qaadidda wada shaqayn horumarineed oo wax-ku-ool ah oo dhexmarta deeq bixiyeyaasha iyo cidda ka faa’iidaysanaysa, iyada oo shookaanta ama hoggaanka ay dawladdu u hayso. Dawladdaha waxa la siiyey fursad ay ku qaabayn karaan arrimaha mudnaanta u ah oo ku salaysan ujeedooyinka dib-u-dhiska nabadda iyo dawladnimada. Intaa ka dib, waxa la samaynayaa hannaan ay ku wada shaqeeyaan waddanka iyo deeq bixiyeyaashu, si la isugu dubarido loona kormeero mucaawinada si loo xaqiijiyo inay ku salaysan tahay mudnaantii qaranku lahaa.

Heshiiska Cusub iyo bqallanqaadkii deeqbixiyeyaasha ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland. Somaliland waxa ay dersaysay codsiga mabaa’idiida Hesdhiiska Cusub illaa sannadkii 2012, iyada oo u diyaar garoobaysay bilaabidda Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee ay caawintiisa lahaayeen UKaid, Laanta Horumarinta Caalamiga ah (DFID) iyo Wakaaladda Denmark ee Horumarinta Caalamiga ah (DANIDA). Deeqdani waxa ay deeqbixiyeyaasha siinaysaa fursad ay ku taageeraan Qorshaha Horumarinta Qaran ee Somaliland (NDP) iyada oo abaaraysa mashaariicda mudnaanta leh ee ay go’aamiyeen dawladda iyo ururada bulshadu ee la xidhiidhsan Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland, kaas oo loo fulinayo qaab ka faa’iideynaya hay’adaha dawladda iyo awooddooda.

Heshiiska Cusubi waxa uu taabanayaa galdaloolooyinkii ay lahaayeen istaraatiijiyadihii hore iyada oo la abuurayo hiigsi laga midaysan yahay.

Mudooyinkii hore, deeqbixiyeyaashu waxa ay lahaayeen dhokumenti istaraatiijiyadeed oo dalka u gaar ah, taas oo hagi jirtay mashaariicda ay Soomaaliya ka fulinayaan, in yar mooyee, intooda badanina may lahayn cutub gaar u ah Somaliland. Helitaanka hiigsi laga midaysan yahay oo dhexmara daneeyeyaasha Somaliland iyo bulshada caalamka oo ku salaysan mudnaanta ay Somaliland leedahay waxa ay fursad siinaysaa in dawladda Somaliland hirgeliso Qorshaha Horumarinta Qaran, iyada oo ka gudbaysa qaabkii hore ee deeqbixiyeyaashu xadidi jireen baahiyaadka Somaliland, una gudbi doonta hannaan ku salaysan inay Somaliland dejisato baahiyaadkeeda.

Sida ku xusan Warbixin Qiimeynta ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarka (OECD) ee ku saabsan hirgelinta Mabaadii’da wadamada nugul qaybtiisa Somaliland:

Waaqica ka jira Somaliland iyo mudnaanteedu waa mid gebi ahaanba ka duwan kuwa ka jira goobaha kale ee Soomaaliya. Hannaanka in Soomaaliya xeedho wax loogu wada shubo, iyo hannaanka in deeqbixiyeyaashu xadidaan baahiyaadka Somaliland, midkoodna kuma soo baxayo waaqica dhabta ah ee Somaliland ka jira, jilayaasha qarankuna waxa ay ku taliyeen in qorshahani waafaqsannaado Qorshaha Horumarinta Qaran ee Somaliland.
Tani maxay ugu fadhidaa Somaliland?
Wada shaqaynta Somaliland iyo deeqbixiyeyaasha waxa inta badan maamuli jiray mid ama in ka badan oo ah qaab hawleedka wax-ku-oolka ah ee mucaawinada, inkasta oo berigaa hore ay xaddidnayd xorriyada ay Somaliland ku dooran karto qaabka wada shaqayntaasi u hirgelayso.

Hannaanka Heshiiskan Cusub waxa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey dawladda maxaa yeelay waxa ay fursad siinaysaa deeqbixiyeyaasha si ay gacan uga geystaan horumarka dalka qaab si buuxa u waafaqsan Qorshaha Horumarka Qaran ee Somaliland. Waxa ay ku baaqaysaa isticmaalka hannaanka dalka u yaala, taas oo lagu salaynayo ujeedooyin iyo hiigsi laga midaysan yahay, iyada oo ay jirayso xisaabtan si wada jir ah ay ula socon doonaan xukuumadda, ururada bulshada iyo daneeyayaasha horumarka.

Maxay tahay natiijada kama dambaysta ah ee ka dhalanaysa hannaanka Heshiiska Cusub?
Natiijada kama danbaystii waa in la helo dukumenti tilmaan ah kaas oo si cad u qeexaya hannaanka ugu wanaagsan uguna hufan ee ay dawladaha ajaanibka ah iyo hay’adaha caalamiga ahi gacan uga geysan lahaayeen mudnaanta Qorshaha Horumarinta Qaran ee Somaliland iyada oo loo maraya hannaanka maal-gelineed ee hore u sii jiray, sida Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

Hay’adaha qaranka ee Somaliland, ururada bulshada, ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa ka dib kaalin weyn ka qaadan doona fulinta hawsha horumarka, iyaga oo garab ka helaya hay’adaha horumarinta ee caalamiga ah.
Heshiiska Somaliland waa hannaan ka madaxbanaan ka Dawladda Fadaraalka Soomaaliya.

Wax qarsoon maaha in Dawladda Faderaalka Soomaaliya (DFS) ay sidoo kale qaybtooda ka qaadanayaan hannaanka Heshiiska Cusub. Hase yeeshee, koodu waa mid gooni ah kana duwan hannaanka Somaliland u gaarka ah, sidoo kale DFS door kuma laha diyaarinta ama maamulidda Heshiiska kama danbaysta ah.

Heshiiska Somaliland waxa uu ku salaysan yahay gebi ahaantiiba mudnaanta Qorshaha Horumarinta Qaran ee Somaliland, waxaanu ka koobnaan doonaa hannaan maalgelineed iyo mid ku saabsan isku dubaridka mucaawinooyinka oo si laba-geesood ah iskula waafaqi doonaan Somaliland iyo deeqbixiyeyaasha, oo ayna qayb ka ahayn dawladda Soomaaliya.

Heshiiska Cusubi waxa uu shicibka reer Somaliland u ogolaanayaa in ay si weyn uga qayb qaataan una dareemaan lahaanshaha horurmarinta qaranka.

Lahaanshaha oo diiradda la saaro iyo in la isticmaalo nidaamka wadanku waxa uu ku salaysan yahay hiigsiga dadka reer Somaliland si ay u ogaadaan marxaladda uu dalku marayo iyo halka uu hiigsanayo in uu gaadho, taas oo ay xaddidi doonaan mashaariicda la qorsheeyey iyo kuwa la fuliyey. In Somaliland heshiis la gasho deeqbixiyeyaasha isla marka ay dawladda Soomaaliya la gelayso heshiis ma curyaamin doonto madax-banaanida Somaliland, maxaa yeelay dawladdu waxa ay geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii mucaawinooyinkeena iyo qaab-hawleedka horumarintu ahaado mid madax-banaan, oo uuna qayb ka noqon ka Soomaaliya.

Iyada oo la ogsoon yahay inay Somaliland ay gaadhay heer sare oo xasiloonida iyo dib-u-dhiska dalka, kana horumarsan tahay inta badan wadamada ka soo baxay colaadaha ee loogu tallogalay inay soo codsadaan qaab-hawleedkan, ujeedooyinka kala duwan ee dib-u-dhiska nabadda iyo dawladnimadu waxa uu siinayaa mudnaan gaar ah oo waafaqsan baahida gaarka ah ee Somaliland. Sidaa awgeed, dhokumentigani waxda uu muujinayaa xaqiiqada ah in Somaliland tahay qaran madax-banaan, iyo in horumarka dalkeenu uu ku jiri doono gacmaheena.

Heshiiska si dimuqraadi ah ayaa loo ansixin doonaa iyada oo darafyada ay khusaysana laga qayb gelin doono.
Dhammaan mudnaanta Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo hannaanka isu-dubaridka mucaawinooyinka ee ku jira qorshaha Heshiiska Cusub ee Somaliland waxa uu u baahnaan doonaa kormeer joogta ah oo si wada jir ah ay u qaban doonaan Hay’adaha horumarinta dawladda ee ay khusayso, baarlamaanka iyo ururada bulshada.

Xukuumaddu si joogto ah ayay warbixin u siin doontaa warbaahinta, shicibka reer Somaliland iyo wakiiladooda ku hawlan hannaanka horumarka si loo dammaanad qaado hufnaanta iyo la xisaabtanka.

Xukuumadda Somaliland waxa ay ballanqaadaysaa inay ka go’an tahay dhawrista iyo illaalinta doonista dimuqraadiyadeed ee shicibka Somaliland in ay ahaadaan ummad madax-bannaan.

Xukuumaddu ma geli doonto heshiis kasta oo dhaawacaya masiirka ummadda reer Somaliland, balse waxa ay u isticmaali doontaa wada shaqayntan horumarinta qaranka iyo isku-xidhka bulshada oo labaduba shuruud hordhac u ah aqoonsi caalami ah oo loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Xukuumaddu waxa ay ka hawlgelaysaa xaqiijinta in Heshiiska Cusub noqdo mid faa’iido u ah danaha aasaasiga ah ee ummadda reer Somaliland.

Xukuumadda Somaliland waxa ay ku hawlanayd doodo iyo wada xaajood joogto ah oo ay la leedahay deeqbixiyeyaasha oo ku salaysan qaabka dhabta ah ee uu yeelanayo Heshiiskan Cusubi.

Waxa ay xukuumaddu si cad u sheegtay in horumarka ballaadhan ee ay Somaliland ka gaadhay dib-u-dhiska nabadda, xasiloonida iyo dimuqraadiyaddu uu u baahan yahay heshiis horumarineed oo iyada u gaar ah.

Sidoo kale waxa ay xukuumaddu caddaysay in madaxbanaanida Somaliland iyo jiritaankeedu uu yahay mid muqadas ah lana ixtiraamo si heshiis loo galo, haddii taa la waayana aan wax heshiis ah la galayn haba yaraatee. Iyada oo uu weli socdo wada hadallada labada dhinac ah oo ku saabsan arrimo gaar ah, waxa tallaabo horumar ah laga gaadhay is-fahanka in loo baahan yahay in la isla meel dhigo mabaa’diida aasaasiga ah.

Sidee ayay isku waafaqayaan qaybaha uu ka kooban yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo ujeedooyinka Heshiiskan Cusub ee Caalamiga ahi?
Qorshaha Horumarinta Qaranku waxa uu ka kooban yahay shan tiir, oo u habaysan todoba waaxood si loo helo isku-xidh wax-ku-ool ah. Shanta tiir waxa ay koobayaan Dhaqaalaha, kaabayaasha, Maamulka, Arrimaha Bulshada iyo Deegaanka iyo hannaanka isku-xidhka shantaas waaxood. Iyada oo Arrimaha Bulshada loo kala jabiyey: Caafimaadka iyo Waxbarashada. Halka Kaabayaashana loo kala qaaday: Kaabayaasha iyo Biyaha.

Ujeedooyinka dib-u-dhiska nabadda iyo dawladnimadu waxa uu ka kooban yahay Siyaasadda sharciga ah, Nabadgelyada, Caddaalada, Aasaaska dhaqaalaha iyo Dakhliga iyo Adeegyada. Si guud way is waafaqsan yihiin Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo ujeedooyinka dib-u-dhiska nabadda iyo dawladnimadu-ma jiro tiir ka mid ah tiirarka Qorshaha Horumarinta Qaranka oo ka baxsan kuwa ujeedooyinka dib-u-dhiska ka mid ah kuwa Qorshaha Horumarinta Qaranku ay taabanayaan dhawr qaybood oo ka mid ah kuwa ujeedooyinka dib-u-dhiska nabadda iyo dawladnimada.”

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com