Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Masar Iyo Wararkii Tiradii Ugu Danbaysay Dhimashada Iyo Khasaaraha Rabashadii Maanta Ka Dhacay Masar Oo Kumayaal Isku Shareertay (Sawiro)

Cairo, (maantasomaliland):- Tirada Dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay, hawl galkii
ciidamada ammaanka Masar ku kala dareerinayeen, kooxaha ururka Ikhwaanu Al Muslimiin ee dalkaas ayaa gaadhay heer aan la qiyaasi karayn, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo isku khilaafsan heerka dhimashada iyo waxyeelada guud.
Warbixin hor dhac ah oo wasaarada caafimaadka Masar soo saartay ayaa lagu sheegay in guud ahaan dalka Masar oo dhan marka la isku geeyo, ay maanta oo qudha ku dhinteen 278-qof, kuwaas oo 46-ka mid ah lagu sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidamada ammaanka gaar ahaan booliska dalkaas.
Waxa kale oo warbixintani ay kumayaal qof ku tilmaantay tirade dadka ku dhaawacmay weerarkii ciidamada ammaanku ku qaadeen, kooxihii mudaharaadyada iyo dibad baxyada ka waday fagaarayaal ku yaala dalkaas, kuwaas oo u badnaa ururka ikhwanu muslimiin ee uu ka tirsanaa madaxweynihii talada xooga lagaga tuuray ee dalka Masar Dr. MAxamed Murzi.
Dhinaca kale wararka ka soo baxaya kooxda ururka ikhwaanu Muslimiin ayaa iyagu muujinaya tiro aad uga badan, ta wasaarada caafimaadka waxaanu bayaanka Ururka Ikhwanu Muslimiin tirade dhimashada ku sheegay, in ka badan laba kun iyo laba boqol oo qof, halka dhaawacana ay ku tilmaameen in ka badan toban kun oo qof.u_107917d_2013-8-15-7-33-36f_M1

u_107917d_2013-8-15-7-57-58f_M3

u_107917d_2013-8-15-7-59-50f_M6

u_107917d_2013-8-15-8-0-15f_M8

u_107917d_2013-8-15-8-0-46f_M7
Si kastaba ha ahaatee khasaare lagu tilmaamay kii ugu balaadhnaa ee rabshadaha iyo dibad baxyada dalka Masar ka dhasha ayaa guud ahaan ka dhacay dalkaaas, waxaana jira xaalad cabsi badani ka muuqato oo hadhaysay dalkaas, labada dhinacna waxa ay kala taagan yihiin meel aad u adag.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com