Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Everton Oo U Dabaaldegtay In Lacagtii Lagu Burburin Karay Qandaraaska Fellaini Waqtigeedii Dhacay.

Fellainimaantasomaliland):-Roberto Martinez ayaa hoos u dhigay wararka la xiriirinaya in Marouane Fellaini uu ku dhow yahay inuu ka tago kooxda, isagoo sheegay in lacagta lagu burburin karay qandaraaska ciyaaryahanka in waqtigeedii uu dhacay labo isbuuc ka hor.

Tababaraha Everton ayaana sheegay inuu dabaaldegay ka dib markii waqtiga ku xirnaa lacagta lagu burburin karay qandaraaska Marouane Fellaini uu dhacay 31kii July.

Kooxda Liverpool ka dhisan ayaa hore u diiday inay ka hadasho mudada ay ku egtahay heshiiska lacagta lagu burburin karo qandaraaska ciyaaryahanka reer Belgium oo aheyd 22 milyan ginni.

Martinez ayaana yiri: “Sida aad qiyaasi karto tababare ahaan waxa ay ku siineysaa inaad dabaaldegto marka maalintaas la gaaro.”

Fellaini oo 25 sanno jir ah ayaa lala xiriirinayay Manchester United iyo Chelsea. Si kastaba Everton ayaa sheegtay inaysan wax dalab ah u helin ciyaaryahanka khadka dhexe.

Martinez waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Uma maleynayo inaan sheegayo waxyaabo aysan dadku ogeyn. Waa wax la wada ogaa in qandaraaska Marouane uu sharuud ku xirnaa, sharuudii ku xirneyd waxa ay dhacday 31ka July.”

Waxaana arintaan ay la micno tahay in Everton aysan haatan ku qasbaneyn inay ciyaaryahanka ku iibiyaan 22 milyan ginni hadii uu doonayo inuu baxo, islamarkaana ay duldhigi karaan lacagtii ay doonaan.

Fellaini ayaa heshiis 15 milyan ginni uga soo biiray kooxda Standard Liege, waxaana uu qandaraaskiisa u kordhiyay bishii November 2011, isagoo saxiixay heshiis shan sanno ah oo Goodison Park ku sii heynaya ilaa xagaaga 2016.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com