Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Wargeysyada-1112111maantasomaliland):-Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena meel kasta oo aad dunida ka joogtaan, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa wararka xanta ah ee wargeysyada ka soo baxa Ingariiska, Spain iyo Talyaaniga ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo aan saaka indhaha soo marmarinay.

Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada ama warbaahinta ku hor qoran, Laacib.net mas’uul kama ahan.

ENGLAND:

Real Madrid ayaa kalsooni ku qabta inay gacanta ku soo dhigayaan Gareth Bale oo 24 jir ah heshiis rikoor adduun noqon doono. Laakiin kooxda reer Spain ayaa aaminsan in Tottenham ay dooneyso inay sugaan ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga xirmin 2da September. (The Sun)

Dhanka kale, Tottenham ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo 21 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Roma Erik Lamela, kubadsameeyaha Ajax Christian Eriksen iyo xiddiga Anzhi Williani. (Daily Express)

Manchester United ayaa diyaar u ah inay 40 milyan ginni ku dalbato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Cesc Fabregas, iyadoo tababare David Moyes uu diidan yahay inuu ka quusto dadaalka uu ugu jiro saxiixa xiddiga reer Spain inkastoo diidmo uu kala kulmay Barcelona iyo ciyaaryahankaba. (Daily Telegraph)

Xiddiga diirada u saaran Arsenal Luiz Gustavo ee kooxda Bayern Munich ayaa ku dhow inuu u dhaqaaqo kooxda Wolfsburg ee dalka Jarmalka. (Bild)

Arsenal ayaan weli ka rajo dhigin saxiixa weeraryahanka Liverpool Luis Suarez, waxaana ay ka fiirsanayaan in dalab kama danbeys ah oo gaaraya 49 milyan ginni ay ka gudbiyaan. (Daily Telegraph)

Dhanka kale, Gunners ayaa fariin ka heshay Manchester City oo ku aadan in 27 jirkooda weerarka ka ciyaara ee reer Bosnia Edin Dzeko inuusan iib aheyn. (Daily Mail)

Weeraryahanka Cameroon Samuel Eto’o ayaa weli doonaya inuu dib u la midoobo Jose Mourinho, laakiin kooxdiisa Anzhi ayaa sheegtay in sidoo kale ay Man United xiiseyneyso si ay u kiciyaan Blues oo dalab u soo gudbiso. (Daily Mirror)

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegtay in Blues aysan iibin doonin 26 jirka daafaca David Luiz, wax walba oo ay tahay lacagta ay soo bandhigto Barcelona. (Daily Mail)

Manchester City ayaa isku diyaarineysa inay qiimo jaban oo 3 milyan ginni ugu dhaqaaqdo daafaca reer Argentine Martin Demichelis ka dib markii Real Madrid ay diiday inay iibiso daafaca adadag Pepe. Demichelis oo 32 sanno jir ah ayaa ka soo hoos ciyaaray Pellegrini labadii sanno ee u danbeysay markii ay wada joogeen Malaga ka hor inta uusan xagaagan u dhaqaaqin Atletico Madrid. (Daily Mirror)

Tababaraha Everton Roberto Martinez ayaa sheeganaya inuu guul ka gaaray isku daygiisii uu United kaga ceshanayay 28 jirka daafaca bidix Leighton Baines, laakiin Everton ayaa diyaar u ah inay United kala xaajooto saxiixa Marouane Fellaini. (Daily Mirror)

Manchester United ayaa isha la raaceysa xiddiga Real Madrid Mesut Ozil, iyagoo baadigoobkooda ciyaaryahan cusub oo khad dhexe uu weli sii socdo. (Daily Mirror)

SPAIN:

Qiimaha ugu danbeeya ee Tottenham ay Bale ku dooneyso waa 110 milyan euro, Madrid waxa ay u soo bandhigtay 85 milyan euro iyo Fabio Coentrao, Tottenham waxa ay dooneysaa 90 milyan euro iyo Coentrao. (AS)

Gareth Bale ayaa ku jira orodkiisii ugu danbeeyay, waxaana uu sheegay inuusan mar danbe u ciyaari doonin Tottenham. Xiddigan ayaa kulan la qaatay gudoomiyaha Spurs Daniel Levy isagoo u cadeeyay inuu baxayo, Real Madrid ayaana Spurs u soo bandhigtay seddex wado oo ay lacag ku bixin karo. (Marca)

Wakiilka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Sami Khedira oo 26 sanno jir ah ayaa la hadlay Paris Saint-Germain iyagoo wax iska weydiiyay suurtogalnimada ciyaaryahanka uu uga soo tagi karo Bernabeu. (Marca)

Kooxo ay u horeyso Real Madrid ayaa xiiseynaya 18 jirka kooxda Sporting Lisbon garabka uga ciyaara Bruma, kaasoo sidoo kale ay doonayaan PSV Eindhoven iyo Galatasaray. (RTP)

Sevilla ayaa heshiis la gaartay ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain 25 jirka Vicente Iborra, waxaana ay sugayaan ogolaanshaha Levante si heshiiska loo dhameystiro. (AS)

Carlos Puyol ayaa ku soo laabtay tababarka Barcelona ka dib dhaawac uu in muddo ah la maqnaa, waxaana ay taasi keentay in tababare Tata Martino uu go’aansado inuusan qof kale u baahneyn haatan, inkastoo David Luiz ay ka dhaadhacsan tahay inuu ku biirayo Azulgarana. (El Mundo Deportivo)

ITALY:

Tababarihii hore ee Fiorentina Mihajlovic ayaa ugu baaqay AC Milan inay si degdeg ah u la soo saxiixato Adam Ljajic, madaama uu yahay xiddig sarre, ka hor inta uusan dhihin “Laakiin hadii aan joogi lahaa Fiorentina markaas ma fasaxeen.” (La Gazzetta dello Sport)

AS Roma oo ku sugan London si ay u helaan lacag kaash ah, waxaana ay suuq u raadinayaan Daniel Osvaldo halka sidoo kale Lamela laga yaabo inay lacag qaali ah ku helaan. (La Gazzetta dello Sport)

Napoli ayaa markii ugu danbeysay isku dayaysan inay soo xerogeliso weeraryahanka Juventus Alessandro Matri, hadii ay haleeli weysana waa ay ka quusan doontaa. (Corriere dello Sport)

Wadahalada u dhaxeeya Napoli iyo Juventus ee saxiixyada Matri iyo Zuniga ayaa ah kuwa ku dhawaanaya in la dhameystiro. (Tuttosport)

Xiddiga AS Roma Daniel Osvaldo ayaa ku sii jeedo kooxda Ingariiska ee Southampton kaliya waxaa dhameystirka heshiiskiisa ka maqan inuu ogolaado oo uu saxiix saaro. (Corriere dello Sport)

Kooxda Inter Milan ayaa lagu qasbay inay kala doorato ciyaaryahankii ay la soo wareegi laheyd xiddiga Algeria ee kooxda Bologna Saphir Sliti Taïder ama ciyaaryahanka kooxda Juventus Isla. (Tuttosport)

Milkiilaha kooxda Inter Milan Massimo Moratti ayaana la filayaa inuu isbuuca soo socda kooxda ka iibiyo ganacsadaha Indonesia u dhashay Thohir.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com