Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dowladda Soomaaliya iyo taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay haweeney Soomaaliyeed oo la sheegay inay tiro ka tirsan ciidammo AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya kufsi ugu geysteen deegaanka Xalane ee magaalada Muqdisho.

AMISOMMuqdisho (maantasomaliland):-Dowladda Soomaaliya iyo taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay
haweeney Soomaaliyeed oo la sheegay inay tiro ka tirsan ciidammo AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya kufsi ugu geysteen deegaanka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Siday faafisay Hiiraan Online oo aanu warkan ka soo xiganay, AMISOM oo warsaxaafadeed arrintan kasoo saartay ayaa sheegtay inay ku sameynayso baadhitaan, iyadoo dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay arrintaas ay si cadho leh uga hadashay, iyadoo sheegtay inaanay marnaba u dul-qaadan doonin ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha oo ay ka mid tahay kufsiga.

“Xukuumadda Soomaaliya uma dulqaadanayso xadugudbyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, gaar ahaan kufsiga loo haweenka Soomaaliyeed oo ah kuwa u nugul dhibaatooyinka loo geysnayo, waxaana cid kasta oo ku kacda ay la tiigsanaysaa sharciga,” ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku yidhi war-saxaafadeed ay xukuumaddu soo saartay maanta oo Khamiis ah.
Kugsigan ayaa la sheegay inuu dhacay 08-dii bishan August, waxaana lagu sheegay warsaxaafadeedka ay soo saartay dowladda Soomaaliya in Saacid uu magacaabay guddi heer wasiir ah oo ay madax u tahay wasiiradda adeegga bulshada, Maryan Qaasim kuwaasoo baadhaya shilkan lana shaqeyn doona khuburo ka tirsan AMISOM si looga hortago inuu falkan oo kale dib u soo laabto.

Dhanka kale, warsaxaafadeedka ay soo saareen AMISOM ayay ku sheegeen inay la socdaan eedeysta ku saabsan in ciidamadoodu ay kufsadeen qof dumar ah oo Soomaaliyeed, ayna baadhitaan ku sameyn doonaan.

“Koox ka kooban AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ayaa loo saaray inay ku sameeyaan baadhitaan arrintan, jawaabtii ka soo baxdana waxaa loo shaacin doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayay AMISOM war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay.

Ugu dambeyn, AMSIOM waxay sheegtay in goobaha ay ka howlgalaan oo dhan ay ku sugan yihiin xubno loo tababaray inay kasoo warbixinyaan falalka noocan oo kale ah, iyagoo sheegay inay Soomaaliya u joogaan sidii ay u difaaci lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Kufsigani waxa uu xadeexad ku yahay dawladda Soomaaliya iyo ciidammadda AMMISON labadaba, waxaanu hoos u dhigayaa kalsoonidii iyo aragtidii bulshaddu ka haysatay.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com