Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Somaliland oo aqbashay in mucaawinadan ay mariso dhulka si loo gaadhsiiyo deegaanadii loogu talogalay.

Hargeysa(maantasomaliland):- Ilo wareedyo u dhuun daloola warka Markabkii mucaawinada ahaa ee Dawlada
SOMALIYA u soo dirtay Puntland ee Maaamulka Farroole diiday ayaa sheegaya in uu ku soo fool leeyahay Dekedda Berbera, halkaas oo looga gudbin doono deegaamadii loogu talogalay oo teedsan Puntland iyo Somalilandba ee xuduudka.

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay in ay ka aqbashay codsi uga yimi Dawladda Somaliya iyo Dalka Turkiga kuwas oo ka dalbaday in ay mucaawinadaas gaadhsiiso deegaamada loogu talogalay.

Markabka oo la filayay in uu saaka soo galo ayaan wali ku soo xidhan Dekedda hase yeeshee waxa la shegay in uu ku soo jiro biyaha SOMALILAND isla markaana uu saacadaha soo socda soo xidhan doono.

Lama oga in qayb ka mid ah mucaawinadaas la siin doono Somaliland iyo in ay dhamaanteed u wada gudbi doonto Puntland iyo Goboladda Khaatumo ku dhuumaalaysato ee gudaha SOMALILAND, ,maadaama mucaawinadii hore e Dawladda Turkigu SOMALIYA soo siisay Somaliland qaybteedii ka heshay.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:063405241

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com