Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababaraha Man United Oo Cabasho Ka Muujisay Shaxda Isku Aadka Horyaalka Ingariiska Ee Xilli Ciyaareedka 2013-14

Moyesmaantasomaliland):-Tababaraha kooxda Manchester United ayaa sheegay in kulamada bilowga u ah xilli ciyaareedkooda ee Premier League inay tahay kuma aan la rumeysan karin inay waqtiyaanasiib isku aad ah ku soo baxeen.

Shanta kulan ee ugu soo horeysa ee United ay ciyaari doonto Premier League, waxa ay soo dhaweyn doontaa kooxaha Chelsea iyo Man City halka ay Liverpool u safri doonto.

Moyes ayaa yiri: “Waa igu adag tahay inaan aamino in kubadaha isku aadka inay sidaas uga soo baxeen boorsada, taas waa hubaal.”

Premier League ayaana jawaab ka bixisay hadalkiisa iyagoo yiri: “Waxaan u xaqiijinay Moyes in nidaamka isku aadka uu yahay mid waqtiyaanasiib ah islamarkaana aanan waxba ka qaban karin. Waa uu aqbalay arintaas.”

Afhayeen u hadlay horyaalka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Moyes uu cabasho toos ah u soo gudbiyay iyaga.

Si kastaba, tababaraha reer Scotland ayaa ku yiri shirkiisa jaraa’id ee maanta: “Waxaan qabaa inay tahay bilowgii ugu adkaa ee Manchester United qoorta loo geliyo muddo 20 sannadood ah.

“Waxaan rajeynayaa inaysan sababteeda aheyn in Manchester United si raaxo leh horyaalka ku qaaday sannadkii hore islamarkaana isku aadka looga dhigo mid yara adag.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com