Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababaraha Mourinho Oo Ka Hadlayay Ku Soo Labashadiisa Premier League, Saxiix Cusub Iyo Mustaqbalka David Luiz.

MourinhoTababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay inuu joogo meeshii ku habooneyd ka hor inta usuan soo laabashadiisa Premier League bilaabanin axada.

Mourinho ayaa labo jeer ku guuleystay Premier League markii ugu horeysay ee uu macalin ka noqday Stamford Bridge, waxaana haatan ku soo laabtay Blues.

Waxa uu xilli ciyaareedka cusub ku bilaaban doonaa kulanka ay axada la ciyaarayaan kooxda Premier League u soo dalacday ee Hull City, waxaana uu shirkiisa jaraa’id ku yiri:

“Waxaan isku arkaa inaan ahay qof ay tahay inuu tartankaan ka qeyb qaato. Waa horyaalka aan ugu jeclahay.

“Waxaan doonayaa inaan u sheego qof walba oo wadanka jooga oo isbuuc dhamaad kasta aada kubada cagta inaan iyaga ka mid ahay. Waan jeclahay wadankaan kubada ku dhisan.

“Waxaan indhaha ku hayaa macaanka iyo qaraarka kubada cagta, sadaalin la’aanta kulan kasta iyo natiijo kasta.

“Waan ka fiicanahay sidii hore, waxaana doonayaa inaan wax walba u qabto kooxdaan.

“Kulankeena bilowga waa mid adag. Ma jecli inaan ka horimaado kooxaha ka soo baxay heerka hoose, kuwaasoo la soo baxa carcar.

“Taageerayaasha waa inay diirada saaraan kooxda, islamarkaana taageeraan ciyaartoyda. Dadkeena waa ay ku fiican yihiin daacadnimada.”
Mourinho oo rajeynaya hal ciyaaryahan cusub

Mourinho ayaa laga soo diiday dalabkii uu ku doonayay weeraryahanka Man United Wayne Rooney xagaagan, waxaana uu qirtay inuu weli rajeynayo in hal ciyaaryahan kale oo cusub uu la soo wareego.

Markii la weydiiyay inuu ka hadlo tababarayaasha doonaya inay kooxahooda adkeeyaan, waxa uu yiri: “Dhamaanteen waxaan dhahnaa maya uma baahanin inaan kooxda xoojino laakiin been ayaan sheegnaa, sida iska cad waxaan rabnaa inaan sii hagaajino kooxda.

“Waan jeclahay kooxda aan heysto, beena ma sheegayo marka aan sidaas leeyahay, laakiin waxaan isku dayaynaa inaan la soo wareegno hal ciyaaryahan kale, waana arki doonaa waxa dhaca.”

Barcelona ayaa iyadana la rumeysan yahay inay xiiseyneyso daafaca Chelsea David Luiz laakiin Mourinho ayaa sheegay in daafaca reer Brazil uusan u socon meel kale.

“Daacad ayaan ka aheyn inaan dhahno David Luiz fursad uu ku baxo ma jirto” ayuu yiri Mourinho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com