Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sky Sports ayaa warineysa in Liverpool ay wadahadalo la bilowday Anzhi Makhachkala oo ku aadan saxiixa kubadsameeyaha reer Brazil Willian.

indexSky Sports ayaa warineysa in Liverpool ay wadahadalo la bilowday Anzhi Makhachkala oo ku aadan saxiixa kubadsameeyaha reer Brazil Willian.

25 jirkaan aadka loo qiimeeyo ayaa bishii Janaayo ee sannadkan heshiis 30 milyan ginni uga tagay Shakhtar Donestk uguna dhaqaaqay kooxda Ruushka, laakiin Anzhi ayaa haatan dooneysa inay iska dirto ciyaartoyda ajnabiga ah ee lacaga qaaliga ka qaata kooxda.

Liverpool ayaana dooneysa inay xoojiso dooqeeda weerar, iyadoo ku guuldareystay inay soo xerogeliyaan Henrikh Mkhitaryan, oo ku biiray Borussia Dortmund markii uu ka tagay Shakhtar iyo weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa.

Willian ayaa dhawaan u sheegay ESPN Brazil: “Milkiilaha warkiisa waa uu cadeeyay, hadii dalab fiican uu yimaado waa hubaal waa uu ina fasaxi doonaa.

“Haatan waxaan sugayaa dalab cusub inuu ka yimaado maalmaha soo socda kooxaha qaar sida Liverpool.

“Haddii ay xaqiiq tahay inay Liverpool i xiiseyneyso, markaas hubaashii waa koox weyn. Waan rajo weynahay, aad ayaana u deganahay kaliya waxaan sugayaa waxa ugu fiican.”

Liverpool ayaase tartan adag kala kulmeysa kooxaha Manchester United iyo Tottenham oo xiiseynaya xiddiga reer Brazil.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com