Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Weeraryahanka kooxda Liverpool Luis Suarez ayaa tababar la qaatay maanta kooxda koowaad ee Liverpool ka dib markii uu asxaabtiisa kooxda ka raaligeliyay habdhaqankiisii xagaagan.

article-2395575-1B5303CC000005DC-165_634x635

article-2395575-1B530CBA000005DC-192_634x422Weeraryahanka kooxda Liverpool Luis Suarez ayaa tababar la qaatay maanta kooxda koowaad ee Liverpool ka dib markii uu asxaabtiisa kooxda ka raaligeliyay habdhaqankiisii xagaagan.

Xiddiga reer Uruguay ayaa laga saaray tababarka kooxda koowaad ka dib markii uu saxaafada ka hor dalbaday in la iibiyo, laakiin waxa ay haatan u muuqataa in colaadii ka dhaxeysay ciyaaryahanka iyo kooxda inay haatan soo dhamaaneyso.

Si kastaba, waa hubaal ma ciyaari doono kulanka sabtida ee ay Anfield ku soo dhaweynayaan Stoke City madaama uu ganaax lix kulan ah u harsan yahay ka dib markii 10 kulan lagu ganaaxay qaniinyadii uu qaniinay daafaca Chelsea Branislav Ivanovic bishii April.

Inkastoo Suarez uu dalbaday in la iibiyo islamarkaana uu doonayo inuu ciyaaro Champions League, Liverpool ayaa ku adkeysatay inuusan bixin doonin waxaana ay labo dalab ka soo diiday Arsenal, waxaana ay haatan u muuqataa inay u badan tahay in Suarez uu baaqi ku sii ahaan doono Anfield marka ganaaxiisa uu soo dhameysto.

Suarez ayaana sawiradii maanta laga soo qaaday tababarka Liverpool lagu arkayay isagoo faraxsan oo la kaftamaya saaxiibadii kooxda.

Lixda Kulan Uu Suarez Seegi doono:

AUGUST

17: Stoke City (minan)
24: Aston Villa (marti)
27: Notts County [Capital One Cup] (minan)

SEPTEMBER

1: Manchester United (minan)
16: Swansea City (marti)
21: Southampton (minan)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com