Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Labada Kooxood Valencia Iyo Liverpool Oo Lagu Waramayo Inay Ka Heshiiyeen Saxiixa Aly Cissokho

maantasomaliland):-Ilo ay soo xiganeyso Sky Sports News ayaa xaqiijiyay in Liverpool ay heshiis kala gaartay kooxda Valencia saxiixa daafaca bidix Aly Cissokho kaasoo ay kula wareegayaan heshiis hal sanno oo amaah ah.

Cissokho ayaa mar sii horeysay xagaagan sheegay inuu heshiis shaqsi ah la gaaray Liverpool islamarkaana uu sugayo kaliya in labada kooxood ay heshiis gaaraan, iyadoo markaas ay u muuqatay in Los Che iyo Reds ay kala didsan yihiin.

Laakiin wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya heshiiska ciyaaryahankaan ayaa sheegaya in labada kooxood ay ugu danbeyn ka heshiiyeen heshiis hal sanno oo amaah ah oo ay Liverpool ku qaadato Aly Cissokho.

Kooxda Premier League ka dhisan ayaa ku mashquulsaneyd suuqa kala iibsiga xagaagan iyagoo ilaa iyo haatan soo iibsaday afar ciyaaryahan – Simon Mignolet, Kolo Toure, Iago Aspas iyo Luis Alberto – laakiin waxa ay doonayeen daafac bidix oo tartan la gala Jose Enrique.

Cissokho ayaa 20 kulan u saftay xilli ciyaareedkii hore Valencia ka dib markii uu uga soo biiray Lyon.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com