Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Wargeysyada-1112111maantasomaliland):-Jimce wanaagsan dhamaan akhristayaasheena meel kasta oo aad dunida ka joogtaan, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa wararka xanta ah ee wargeysyada ka soo baxa Ingariiska, Spain iyo Talyaaniga ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo aan saaka indhaha soo marmarinay.

Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada ama warbaahinta ku hor qoran, Laacib.net mas’uul kama ahan.

ENGLAND:

Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay dalab ka gudbiso 24 jirka khadka dhexe ee Real Madrid Mesut Ozil. (Daily Mirror)

Liverpool ayaa ugu cadcad inay kula soo wareegto kubadsameeyaha kooxda Anzhi Makhachkala Willian oo 25 jir ah 30 milyan ginni laakiin waxa ay tartan adag kala kulmayaan Tottenham iyo Manchester United. (Daily Telegraph)

Chelsea ayaa qarka u saaran inay ka quusato saxiixa weeraryahanka Man United Wayne Rooney. Jose Mourinho ayaa ku guuldareystay labo dalab oo uu ka gudbiyay 27 jirkaan reer England, waxaana uu haatan ku dhawaanayaa heshiis uu Anzhi Makhachkala kala soo wareegayo Samuel Eto’o oo ay ku soo wada shaqeeyeen Inter Milan. (Daily Star)

Kooxda Tottenham ayaa ku dhow inay heshiis 15 milyan ginni kula soo wareegto weeraryahanka Talyaaniga kooxda AS Roma Pablo Osvaldo oo 27 sanno jir ah. (The Sun)

Tababare Brendan Rodgers ayaa ka walaacsan in weeraryahanka Liverpool Luis Suarez inuu dhibaateyn karo bilowga xilli ciyaareedka Reds madaama uu qasbanayo inuu ka tago Anfield. (The Guardian)

Tababaraha kooxda Swansea Michael Laudrup ayaa uga digay Arsenal inaysan waqtiga isaga dhuminin inay u dhaqaaqaan weeraryahanka reer Spain Michu hadii ay ku guuldareystaan saxiixa Suarez. (Daily Star)

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayay qasab ku taahy inuu labo jibaaro dalabkiisii furitaanka ee 6 milyan ginni ee uu ku doonayay daafaca Swansea Ashley Willaims si uu fursad ugu helo inuu soo xerogeliyo 28 jirka reer Wales. ( Daily Mirror)

Weeraryahanka West Ham Modibo Maiga oo 25 sanno jir ah ayaa ku dhow in amaah lagu siiyo kooxda St Etienne iyadoo kooxda tababare Sam Allardyce ay ka fiirsaneyso inay dalab ka gudbiso weeraryahanka Besiktas Hugo Almeida oo 29 sanno jir ah. (Daily Mail)

Tababaraha kooxda Everton Roberto Martinez ayaa uga digay Manchester United inaysan lacag jaban ku heli doonin ciyaaryahanka khadka dhexe Marouane Fellaini, madaama uu dhacay waqtigii lagu iiban karay 22 milyan ginni. (Daily Mirror)

Schalke ayaa iska diiday dalab uga yimdi Celtic oo dooneysa gooldhaliyaha reer Finland Teemu Pukki. (Daily Express)

Daafaca Manchester City Joleon Lescott oo 30 sanno jir ah ayaa rajeynaya inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda isagoo haatan galaya sannadkiisii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa haatan. (talkSPORT)

Manchester United are continuing to track Cristiano Ronaldo after coaches Phil Neville and Steve Round watched the former Old Trafford star in action for Portugal on Wednesday night. (Daily Mail)

SPAIN:Gareth Bale ayaa ku adkeysanaya inuu doonaya kaliya Madrid, Madrid ama Madrid, islamarkaana ma ciyaari doono kulanka furitaanka u ah Tottenhan horyaalka Premier League ee Crystal Palace, mana uusan soo xaadirin tababarkii shalayto. (Marca)

Kooxaha Manchester United iyo Paris Saint-Germian ayaa ka fiirsanaya inay u dhaqaaqaan saxiixa Angel di Maria inkastoo uu dhawaan sheegay in Ronaldo uu ka codsaday kooxda inaan isaga la iibinin. (Marca)

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuusan wax walwal ah ka qabin heshiis cusub uu saxiixo, islamarkaana qandaraaskiisa haatan ay sannado uga harsan tahay ka hor inta uusan sheegay in wax walba la ogaan doono dhawaa iyo dheeraaba. (AS)

Kooxda AS Roma ayaa sidoo kale ku soo biirtay dadaalka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Atletico Madrid Adrian, waxaana kooxda Serie A ka dhisan ay dooneysaa inay 18 milyan euro ku qarashgareyso weeraryahanka. (AS)

Man United ayaa dalabkeedii ugu danbeysay isku dayaysa inay ka soo gudbiso Cesc Fabregas kaasoo gaaraya 47 milyan euro. (Mundo Deportivo)

ITALY:

Wargeysyada Isboortiga La Gazzetta dello Sport, Corriere dello Sport iyo Tuttosport ma aysan soo bixin maanta, madaama shalayto fasax qaran ay ka aheyd Italy.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com