Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

(War Deg Deg Ah)Ciyaaryahanka caalamiga ah ee Mo Farah ayaa mar kale daqiiqado ka hor ku guuleystay orodka 5,000m tartanka Horyaalka Adduunka oo ka socda Magaalada Mossco ee dalka Ruushka.

article-2395549-1B544897000005DC-469_634x423

article-2395549-1B544A9A000005DC-319_634x374

article-2395549-1B54488B000005DC-675_634x338

Carwadda-buugaagta-4maantasomaliland):-Wiilka Soomaalilanderka ah ee u orda dalka Ingiriiska Mohamed Farah ayaa ku guuleystay tartanka
orodka 5ta kun mitir ee adduunka, waana biladii labaad ee dahab ah ee uu ka qaato tartanka ciyaaraha fudud ee adduunka oo ka socda Moscow Russia.

Mo Farah ayaana barbareeyay rikoorkii Kenenisa Bekele ee ah ninka kaliya ee kuwada guuleystay biladaha dahabka ee tartanka orodka 10ka kun mitir iyo shanta kun mitir ee ciyaaraha Olimbikada iyo tartanka ciyaaraha fudud ee adduunka.

Mo Farah ayaa ku orday 13 daqiiqo 27.98 ilbiriqsi, waxaana uu ka sarre maray Hagos Gebrhiwet oo Ethiopia ah iyo Isiah Kiplangat Koech oo Kenya ah kuwaasoo kaalinta labaad iyo seddexaad soo kala galay.

Orodyahankan ayaa taariikh cusub dhigay isagoo ah ka mid noqonaya ciyaaryahanada ciyaaraha fudud kuwa ugu guulaha badnaa taariikhda Britian ka dib markii uu sidoo kale labo bilad oo dahab ah ka qaatay ciyaarihii Olimbikada ee London ka dhacay sannadkii hore.

Waana biladii seddexaad ee dahab ah oo uu ka qaato tartanka ciyaaraha fudud ee adduunka. Waxaana biladihiisa dahabka ee orodka dheer ay ka dhigeysaa shan biladood oo dahab ah isagoo labo sanno ka hor ku guuleystay tartanka orodka 5ta kun mitir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com