Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha jamhuuryada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dib xadhiga uga jaray Garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargaysa oo Dib u Casriyayn Iyo Balaadhin Lagu Sameeyey.+ Daawo Sawiro

madaxweyne

VSD

IMG_0594-300x200

IMG_0514-300x200

Downlo

article-2395549-1B544897000005DC-469_634x423HARGEYSA (maantasomaliland):-Madaxweynaha jamhuuryada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dib xadhig
uga jaray Garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargaysa oo dib u casriyayn iyo balaadhin lagu sameeyey.

xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta Madaarka caasimadda ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland oo ay ugu horeeyaan Gudoomiyayaasha labada gole baarlamaan Md saleebaan Maxamuud Aadan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) Marwada madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina X Maxamed Jirde, xubno ka tirsan golaha wasiirada, wakiilada dalalka shisheeyaha u jogga Somaliland, hawlwadeenada xafiisyada hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ee ku sugan Somaliland iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda Duulista iyo hawaddaSomaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi uu kaga xog-waramay marxaladihii ay soo martay hawsha dib u dhiska iyo casriyaynta gegida diyaaradaha ee caasimadda Somaliland.

Md. Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay in talaabadani qayb ka tahay horumarkii looga fadhiyey xukuumadda xiligan xafiiska joogta, dhinac kastana ay ka muuqato isbedelka laga sameeyey ee muuqan kara sida Derejada ciidamada la siiyey.
Wasiirka wasaaradda duulistu waxa uu caddeeyey in dib u balaadhinta RUN-WAY-ga ay maalgelintiisa lahayd dawladda Kuweit, xukuumadda Somaliland-na ay ku dartay qaybaha kale ee dhismayaasha cusubi ugu horeeyaan, taasoo markhaati ka ah meesha ay ku dambayso cashuurta laga qaado muwaadiniintu.

Md. Maxamuud Xaaashi Cabdi oo ka hadlayey qiimaha ay leedahay midnimo lagu galo hawl kasta oo dalku leeyahay waxa uu sheegay inay lama huraan tahay in la isu dulqaato lana wada yeesho iskaashi dhinac kasta si loo gaadho hadafka la tiigsanayo loogana midho dhaliyo himalada aasaasiga ah.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ku tilmaamay wax lagu farxo oo lagu faani karo dib u dhiska lagu sameeyey garoonka caasimadda ee Egal international Airport, waxana uu halkaa ka ballanqaaday in xukuumad ahaan ay sii wadayaan dadaalada horumarineed ee uu madaarkani ka mid yahay
Madaxweynaha Somaliland waxa uu uga mahadnaqay dawladda kuweyt doorkii muuqday ee ay ka qaadatay hawsha dib u balaadhinta gegida diyaradaha, halka sidoo kalena uu wasaaradda duulista hawada ku ammaanay sida ay uga soo baxday kaalinteedii waxqabad ee loo igmaday.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com