Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wariye Axmed Shariif Xuseen Oo Lagu Dilay Muqdisho Maanta

article-2395549-1B544897000005DC-469_634x423

dilgw_5maantasomaliland):- warbaahinta dalaka somaaliya ayaa sheegaya in kooxo hubeeysan oos sita bistoolado ayaa degmada Shibis ee gobolka Banaadir ku dilay Axmed Shariif Xuseen oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliyeed gaar ahaan qeyba war-baahinta isaga oo ahaa Eng-ka guud ee farsamada idaacada Radio Muqdisho iyo talevishanka qaranka ee soomaaliya.
Dilka ayaa loo geestay Axmed Shariif Xuseen xili uu ka soo baxayay gurigiisa kuna soo jeeday xarunta shaqada, iyada oo dhaawac ahaan lagu geeyay isbitaalka halkaasi oo uu ku geeriyooday.
Weerarka lagu khaarijiyay Axmed Shariif Xuseen ayaa waxa uu dhacay daqiiqado uun kadib markii la toogtay Aadan Cabdi Xuseen oo dilay sida daliila lagu helay weriye lagu magacaabi jiray Xasan Yuusuf Absuge oo xilligaa kahowl gelayay idaacada Maanta ee magaalada Muqdisho.
Taariikh Nololeedka Axmed Shariif Xuseen
Axmed Shariif waxa uu ahaa nin aad u aqoon badan oo ka mid ah dadka kooban ee wadanka laga heli karo oo aqoontoodu aadka u diyaarsantahay”ayuu yiri agaasime cadaala Agaasimaha warbaahinta ayaa sheegay in Eng Axmed Shariif uu ahaa madaxa guud ee farsamada warbaahinta qaranka,isagoo sidoo kale caawin jiray warbaahinada kale ee ku yaala gudaha muqdisho iyo gobollada dalka,takhasuskiisuna uu ahaa rakibtaanka idaacadaha iyo fariisintooda,waxaa kale ee uu ahaa makaanig dhanka matoorada ah iyo dab yaqaan

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com