Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababaraha Kooxda Liverpool Brendan Rodgers: Arinta Luis Suarez Waa La Xaliyay.

indexmaantasomaliland):-Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa shaaca ka qaaday inuu ku qancay sida loo xaliyay xaalada Luis Suarez.

Xiddiga reer Uruguay ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda shalayto ka dib markii isbuuc ka hor uu Rodgers ku qasbay inuu kaligiis tababar qaato, madaama uu si cad u dalbaday in la iibiyo.

Suarez ayaa sheegtay in Liverpool ay uga baxday balan aheyd inuu kooxda ka tagi karo hadii aysan u soo bixin Champions League, waxaana kooxda ay labo dalab ka diiday Arsenal.

Si kastaba, Suarez ayaa Anfield joogay maanta isagoo daawaday kulankii ay kooxdiisa 1-0 kaga badisay Stoke City, waxaana uu sacab ka helay intii aysan ciyaarta bilaaban taageerayaashii markaas garoonka joogay ka hor inta uusan fariisan kursigiisa.

“Waan ku qanacsanahay sida wax walba loo xaliyay, koox ahaana waxaan indhaha ku heynaa mustaqbalka” ayuu yiri Rodgers, oo diiday inuu xaqiijiyo in ciyaaryahanka uu raaligelin bixiyay si kooxda dib loogu soo daro.

“Wax la sheego ma jiraan halkaan. Waxba kama dhahayo arinta Suarez, sababtana waxa ay tahay waa ixtiraam aan ixtiraamayo ciyaartoyda kale.”

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com