Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Weeraryahanka Franck Ribery: Messi Iyo Ronaldo Kuma Aysan Guuleysan Seddex Koob Sideyda Oo Kale

Franck Ribermaantasomaliland):-Franck Ribery ayaa sheegay inuu ugu cadcad yahay inuu ku guuleysto abaalmarinta xiddiga sannadka
qaarada Yurub, inkastoo ay la sharaxan yihiin Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Xiddiga garabka uga ciyaara Bayern Munich ayaa u sheegay jariirada Jarmalka ee Bild, in inkastoo ay labada xiddig ee la sharaxan ay goolal badan dhaliyeen xilli ciyaareedkii hore, in waxa la xisaabinayo ay tahay koobabka lagu guuleystay.

“Heerkeyga waxa uu ahaa meeshii ugu sareysay xilli ciyaareedkii hore, waxaan mar walba ku jiray qaab ciyaareed wanaagsan, waxaana ku guuleystay wax walba oo aan ku guuleysan karay. Kuwaas ayaana ii ah wax culus oo aan ku doodi karo.

“Messi iyo Cristiano waxa ay dhaliyeen goolal badan, laakiin kuma aysan guuleysan seddex koob sideyda oo kale. Marka la codeynaya koobabka la qaaday ayaa mar walba muhim ah.

“Labadoodaba waa labo ciyaaryahan oo waa weyn, laakiin fursada aan u heysto inaan abaalmarinta ku guuleysta ayaa ka sii weyn” ayuu yiri xiddiga reer France.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com