Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababare Carlo Ancelotti: Real Madrid Waxa Ay Ku Hamiyaysaa Xilli Ciyaareedkan Koobka Champions League.

Carlo Ancelottimaantasomaliland):-Tababare Carlo Ancelotti ayaa qirtay in koobka Champions League inuu yahay hamiga ugu weyn ee
Real Madrid xilli ciyaareedkan, iyagoo raadinaya koobkoodii 10aad ee Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub.

Markii ugu danbeysay ee Los Blancos ay ku guuleysato Champions League waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii 2001-02 markaasoo ay 2-1 finalkii ku garaaceen kooxda Bayer Leverkusen, waxaana Ancelotti uu doonayaa inuu soo gabagabeeyo mudada dheer ee la sugayay La Decima.

“Qof walba oo Madrid jooga waxa uu diirada saarayaa inuu ku guuleysto Champions League. Waa hamiga ugu weyn ee dhamaan Madridistas.” ayuu Ancelotti u sheegay Corriere dello Sport.

“Real Madrid ma aysan gaarin finalka Champions League tan iyo 2002dii, taasna waa wax cajiib ah marka aad ka fekerto.

“Waqti dheer ayay ku tahay kooxda sida Madrid oo kale ah.”

Macalinkii hore ee PSG ayaa markaasi ka dib ka hadlay kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona, waxaana uu carabka ku adkeeyay in Madrid aysan dooneynin inay minguuriso qaab ciyaareedka Catalans.

“Qaab ciyaareedkeena lama mid noqon doono kan Barcelona. Barcelona waxa ay leeyihiin falsafadooda u gaarka ah, kooxdoona waxa ay isla joogtaa muddo dheer.

“Madrid waxa ay heysataa ciyaaryahano ka duwan oo qaab ciyaareedkooda gaarka ah leh. Waxaan dooneynaa inaan ciyaarno kubad weerar ah, islamarkaana aan qancino taageerayaasha garoomada. Waxaan heysanaa ciyaaryahano cajiib ah.”

Ancelotti ayaa sidoo kale ka hadlay Cristiano Ronaldo, waxaana uu xusay inuu filanayo in xiddiga reer Portugal inuu xilli ciyaareed wanaagsan lahaan doono.

“Guusha Cristiano waa guusha Madrid. Si wacan ayuu ku bilowday, xaqiiqdiina waa uu dhiirangashan yahay. Waxa uu lahaan doonaa xilli ciyaareed fantastik ah.

“Qof walba waa diyaar ka dib xilli ciyaareed adag oo sannadkii hore, Cristiano ayaana kaga sii badan kuwa kale.”

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com