Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Liverpool ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedkeeda cusub ee Premier League ka dib markii ay 1-0 ku dubteen kooxda Stoke City oo marti ku aheyd Anfield, iyadoo Sturridge uu dhaliyay goolkii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka Premier League, halka goolhaye Simon Mignolet uu rigoore ka badbaadiyay dhamaadkii ciyaarta kooxda Stoke.

1376743111675_lc_galleryImage_Liverpool_s_English_forwamaantasomaliland):Liverpool ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedkeeda cusub ee Premier League ka dib markii ay 1-0
ku dubteen kooxda Stoke City oo marti ku aheyd Anfield, iyadoo Sturridge uu dhaliyay goolkii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka Premier League, halka goolhaye Simon Mignolet uu rigoore ka badbaadiyay dhamaadkii ciyaarta kooxda Stoke.

Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay Stoke City daqiiqadii 9aad markii karoos ay soo qaadeen uu madax la aaday Peter Crouch oo kubada xerada goolka soo dhex dhigay waxaana kubada helay Robert Huth kaasoo shabaqa faaruq ah heystay laakiin darbadii uu la beegsaday waxaa soo beenisay birta kore.

Liverpool ayaana daqiiqadii 11aad shabaqa soo taabatay markii laad xor ah uu soo tuuray Gerrard uu madax ku dhaliyay Sturridge, laakiin goolkiisa waa la diiday madaama uu offside ahaa.
Reds ayaana mar kale u dhawaatay inay goolasha u furto xilli ciyaareedka cusub ee Premier League daqiiqadii 13aad, markii kooner uu soo tuuray Gerrard uu madax la helay Kolo Toure, laakiin birta ayaa isna ka soo beenisay.

Daqiiqadii 14aad Sturridge ayaa fursad halis ah helay, markii baas qurxoon uu ka helay Coutinho ay u sahashay inuu dhanka bidix ka soo galo xerada goolka, waxaa ku soo baxay goolhaye Begovic oo kubada ka taabtay, laakiin kubada dib ayuu u helay islamarkii waxaana uu ka daahay inuu shabaqa tiigsado taas bedelkeedana waxa uu soo dhigay karoos ay Stoke iska bixisay.

Liverpool oo dadaal weyn ugu jirtay inay hesho goolka koowaad ayaa weerarkeeda uu ahaa mid halis ah, waxaana daqiiqadii 25aad kubad ay si fiican isagu dhiidhiibeen Iago Aspas iyo Jose Enrique, laakiin darbadii Enrique uu goolka la beegsaday waxaa si fantastik ah kaga badbaadiyay goolhaye Begovic.
Macalinka Man City Manuel Pellegrini Ayaa Sidoo Kale Marti Sharafta Ciyaarta Ku Jiray.

Reds ayaana weerarkeeda halkaas ka sii waday, daqiiqadii 34aad Coutinho ayaa kubad u dhex bixiyay Henderson kaasoo la dultagay goolhayaha laakiin goolhaye Begovic oo ka dhex muuqday ayaa ka badbaadiyay.

Daqiiqadii 37aad ayaana ugu danbeyn ay Liverpool heshay goolkii ay baadigoobka ugu jirtay, Daniel Sturridge ayaa kubad uu u dhigay Iago Aspas ku helay meel 25 yard u jirta goolka, isagoo shabaqa halkaas ka toogtay islamarkaana kubad dhulka ku socota meel geeska ah goolka ka geliyay.

Xiddiga reer England Sturridge ayaana dhaliyay goolkii ugu horeysay ee Premier League ee xilli ciyaareedkan 2013-14. Waana goolkiisii 7aad ee lixdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier Leageu ee uu safto.

Daniel Sturridge ayaana u dhaliyay Liverpool goolkiisii 11aad ee Premier League sannadkan 2013, isagoo dhaafay Luis Suarez oo Reds u dhaliyay 10 gool oo Premier League sannadkan 2013.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com