Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Arsenal Oo Guuldarro Ku Bilaabatay Premier League, Aston Villa Ayaana Ku Garaacday Emirates Stadium.

1376750384706_lc_galleryImage_Arsenal_s_Wojciech_Szczesmaantasomaliland):-Arsenal ayaa guuldarro ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ka dib markii
guuldarro 3-1 ay ka soo gaartay Aston Villa oo marti ku aheyd Emirates Stadium, inkastoo ay ciyaarta ku dhameysteen 10 ciyaaryahan islamarkaana labo rigoore laga dhigay intii ay ciyaarta socotay.

Lix daqiiqo inay socota kaliya ayay ku qaadatay Arsenal inay hogaanka u qabato ciyaarta markii Rosicky uu kubad u dhiibay Alex Oxlade-Chamberlain kaasoo isna xerada goolka ka soo galay dhanka bidix waxaana uu kubada u dhiibay Olivier Giroud oo goolka hortaagnaa kaasoo si qibrad leh kubada u dhameystiray.

Gunners ayaana lix daqiiqo kaliya ku dhalisay goolkeedii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka Premier League marka loo fiiriyo xilli ciyaareedkii hore oo ay ku qaadatay inay helaan goolkooda koowaad 205 daqiiqadood.

Gunners ayaa ciyaarta koontarooleysay ilaa daqiiqadii 22aad markaasoo Agbonlahor uu kubad u la soo baxsaday goolka Arsenal, waxaa ku soo baxay goolhaye Szczesny oo qalad ku galay weeraryahanka Aston Villa, garsooraha ayaana tilmaamay gool ku laad.

Waxaa u soo istaagay Benteke, iyadoo goolhaye Szczesny uu badbaadiyay rigoorada balse kubad soo laabatay waxaa madax ku celiyay oo ku dhaliyay isla Christian Benteke kaasoo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Waxaana xaalada Arsenal ku sii adkeeyay dhaawac soo gaaray Kieran Gibbs taasoo sababtay in la bedelo daafaca oo uu soo galay Carl Jenkinson.
Daqiiqadii 33aad goolhaye Szczesny ayaa ka soo baxay xeradiisa isagoo isku dayay inuu kubad bixiyo, laakiin waa uu ku guuldareystay inkastoo uu waqti uu ugu laabto goolka iibsaday, laakiin kubadii uu soo raaciyay Westwood ayuu si fantastik ah u bixiyay.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-1 ciyaar xiiso laheyd oo labada kooxood ay soo bandhigeen.

Qeybtii labaad waxaa Arsenal ay bedel ku soo gelisay Santi Cazorla kaasoo bedelay Oxlade-Chamberlain oo dhaawac ku baxay xilligii nasashada ee ciyaarta.

Daqiiqadii 51aad ayay Arsenal u dhawaatay inay hogaanka ku soo laabato, Giroud iyo Rosicky ayaa kubada isdhaafsaday ka hor inta uusan Rosicky goolka hortiisa kubad ku helin, laakiin darbadiisa ayaa noqotay mid kubada laga soo qabto taribuunka.

Wax yar ka dib Aston Villa ayay nasiibdarro ku aheyd inaysan dhalinin goolkooda labaad markii kubad uu soo tuuray Delph ay dhaaftay goolhaye Szczesny islamarkaana birta soo beenisay.

Ku dhawaad saacad markii ay socotay ciyaarta Aston Villa ayaa heshay rigoore muran ku jiro ka dib markii Koscielny uu qalad kula galay xerada ganaaxa ciyaaryahan Agbonlahor, inkastoo uu kubada taabtay, waxaana la siiyay calaamada hurdiga.

Waxaana u soo joogsaday rigoorada mar kale Christian Benteke kaasoo markaan si habsami leh shabaqa u dhexdhigay islamarkaana gool u sarifay isagoo dhan qaldan u diray goolhaye Szczesny, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay Aston Villa.

Benteke ayaa dhaliyay goolashiisii 16aad ee Premier League sannadkan 2013, isaga ayaana ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan EPL sannadkan 2013, Van Persie iyo Gareth Bale ayaa ku xiga oo leh 12 gool.

Daqiiqadii 67aad ayaana Koscielny uu qaatay jaalihiisii labaad ee ciyaarta, taasoo keentay in casaan loogu sii darro, waana ciyaaryahankii ugu horeeyay xilli ciyaareedkan Premier League ee calaamada casaanka ah qaata.

Waa casaankii afaraad uu qaato daafacan isagoo saftay 89 kulan horyaalka Premier League. Arsenal ayaa casaan laga siiyay ciyaaryahan kulanka ugu horeeya ee seddex ka mid ah afartii xilli ciyaareed ee u danbeysay, Koscielny 2010, Gervinho 2011, iyo haatan Koscielny 2013).

Daqiiqadii 72aad Rosicky ayaa ku dhawaaday inuu u barbareeyo Arsenal isagoo kubad u dhiibtay Giroud ka hor inta uusan u soo celin, waxaana uu la dul tagay goolhayaha Aston Villa Guzan, kaasoo ka badbaadiyay.

Inkastoo ay Arsenal ku ciyaareysay 10 ciyaaryahan hadana waxa ay ahaayeen carcar iyagoo raadinayay goolka barbaraha, daqiiqadii 78aad ayay mar kale heleen fursad dahabi ah, Rosicky ayaa kubad madax ugu dhigay Cazorla oo isna kubada shabaqa la abaaray, waxaa kubada gacanta ku sii taabtay goolhaye Guzan ka hor inta aysan birta ku dhicin.

Waxaana ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 85aad ee ciyaarta Antonio Luna oo kubada uu ka soo qaaday bartamaha garoonka la dul tagay goolhayaha Arsenal ka hor inta uusan dhinac ka dhigin shabaqa, taasoo ciyaarta ka dhigtay 3-1.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay ku badisay kooxda martida aheyd ee Aston Villa, iyadoo Arsenal ay guuldarro ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee Premier League, waxaana ay taageerayaasha Emirates Stadium ay caradooda kala duldhaceen tababare Wenger oo xagaagan aan ciyaaryahan weyn weli soo iibsan.

Arsenal ayaase ku doodi doonta qaladaad garsoore, gaar ahaan rigooradii labaad ee laga dhigay iyo casaankii Koscielny.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com