Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Taladda Wadanka Haya ee Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in uu khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Arrinta shalay u darani waxa ay ahayd war shalay ku soo baxay Wargeyska Yool oo ay xigteen Mareegaha Baligubadle iyo Hadhwanagnews in uu khilaas oo kala dhex galay isla markaana ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye kala furteen maryo dhiig leh.

u_108107d_2013-8-17-16-51-47f_Xasan-Siciid-Yuusuf-XKULMIYEHargeysa (maantasomaliland):-Xoghayaha Guud ee Xisbiga Taladda Wadanka Haya ee Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ayaa waxba kama
jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in uu khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Warkaas oo lagu baahiyay Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa uu xusay in uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta mar uu Warbaahinta ugu waramayay Xarunta Xisbiga Kulmiye ee Magaaladda Hargeysa.

Waxaanu yidhi ?Waxa aan doonayaa in aan maanta halkan idiinka sheego warar ay saxaafadda ku qoran ee ay wargeysyadda iyo Mareegaha wararku ay qoreen.

Arrinta shalay u darani waxa ay ahayd war shalay ku soo baxay Wargeyska Yool oo ay xigteen Mareegaha Baligubadle iyo Hadhwanagnews in uu khilaas oo kala dhex galay isla markaana ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye kala furteen maryo dhiig leh.

Arrintaasi maaha mid sal iyo raad toona leh, waxa aanu aad iyo aad ula yaabnay madaxweynaha iyo Xisbiga Kulmiye waa laba masuul oo xukuumadda iyo xisbiga Kulmiyeba hogaankiisii ah.

Arrinta shir beel oo lagu qabanayo meel kale lagu qabanayo shaqadoodii maaha, mana khusayso? ayuu yidhi.

Gabogabadiina waxa uu carrabka ku dhuftay in ay xeer ilaalinta u gudbin doonaan Wargeyska Yool oo markii ugu horeysay warkaasi baahiyay iyo mareegaha Hadhwanaagnews iyo Baligubadle oo ka soo xigtay.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com