Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ibraahin Dhaga-weyne ayaa markii ugu horaysay daboolka ka qaaday inuu dalbaday in Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud , looga geeyo Xaal waxa uu sidaas ku sheegay Qoraal kooban oo uu soo saaray

u_108109d_2013-8-17-17-0-35f_DHEGAWEYNEHargaysa(maantasomaliland):–Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhaga-weyne), oo ka mida Xubnaha ku dhawaaqay Golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka, isla markaana ahaa afhayeenka Golahaas, ayaa markii ugu horaysay daboolka ka qaaday inuu dalbaday in Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), looga geeyo Xaal, kadib markii uu dhawaan hadallo deel-qaaf ah u mariyey Warbaahinta dalka.
Mujaahid Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhaga-weyne), waxa uu sidaas ku sheegay Qoraal kooban oo uu soo
saaray, kaasoo nuqul ka mid ahi soo gaadhay, waxaanu u dhignaa ?Waa wax laga xumaado ah Warkii ku soo baxay Wargayska Yool ee Ciwaankiisu ahaa ?Raggii magtii Jahaad doonaayey oo Maantana doonaya inay Ibraahin Dhaga-weyne Xaal Ka Bixiyaan.? Waxaana lagu aflaadeeyey Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadh-weyne), iyo Saleebaan Cumar Ku-joog. Anigaa idhi Madaxweynaha Xaal iiga geeya, xaal baan ka siiyey gefkaa lagula kacay, mana geyaan xumaanta intaas leeg Nimankii ila shaqaynaayey halgankii aawaday loo haystay weeye ee ilaa Af-weyne isla shaqaynaayey. Cida samaysay ama warkaas qortay iyadaa Masuuliyadaa qaadi doonta oo lagula Xisaamtami doonaa, mana ah in sharaf dhac iyo qiime dil lagu sameeyo oo Xumaan aanay galabsan dusha laga saaro.? Ayuu yidhi Ibraahim Cabdillaahi Xuseen Dhaga-wayne.

Waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi ?Xasan Gadh-weyne iyo Saleebaan Cumar ku joog wakhtigii halganka waa raggii ila shaqaynaayey ee loo haystay Ibraahim baa la shaqaysaan. Gebo-gabadii mawqifkii golahayga iyo cidii hawshu naga dhaxaysay waa sideedii. Arrinta raali-gelintu waa mid aniga ii gaara oo aan Golahayga ka turjumayn.?

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com