Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ugaas Ibraahim Jilbo-dhige Oo Maanta Furay Shirkii Beelaha Sacad Muuse oo Si Rasmi ah uga Furmay Degmadda Agabar Ee Gobolka Gabiley:

u_108103d_2013-8-17-16-1-55f_JilbadhigeAgabar (maantasomaliland):- Shirkii Beelaha Sacad Muuse ee (Hoodaalle) ayaa maanta ka furmay degmadda Agabar ee gobolka Gabiley, waxaana ka qeyb galaya madax-dhaqameed badan oo ka kala socday ardaayadda beelaha Sacad Muuse, duqay iyo ergooyin kala duwan oo lagu marti qaaday.

Shirkan ay waxa fyrat Ugaaska beelaha Sacad Muuse Ugaas Ibraahim Axmed Kaahin (Jilbo-dhige) oo hadal uu halkaasi ka jeediyay si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka shirkan, waxaanu u mahad celiyay madax-dhaqameedkii iyo waxgaradkii kaalinta ka qaatay hirgelinta shirka Hoodaalle ee Beelaha Sacad Muuse.

Ugaas Ibraahim Jilbo-dhige waxa uu sheegay in shirkan oo socon doona muddo toban maalmood ah lagaga hadli doono qodobo badan oo la xidhiidha danta Beelaha iyo midnimadoodaba.

Ugaasku waxa uu ALLE ka baryay inuu shirkan uga dhigo mid midho dhalla oo ay ka soo baxdo natiijo dan u ah beelaha shirkan qabsaday iyo guud ahaan Somaliland-ba.

Shirkan oo muddo ay socotay qaban qaabadiisu waxa weli ku qul-qulaya ergooyinka shirka ka qeyb galaya iyo marti-sharaf kala duwan oo lagu marti qaaday inay goob joog ka noqdaan.

2 Responses to Ugaas Ibraahim Jilbo-dhige Oo Maanta Furay Shirkii Beelaha Sacad Muuse oo Si Rasmi ah uga Furmay Degmadda Agabar Ee Gobolka Gabiley:

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com