Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Bayern Munich Oo Rikoor Ku Jabisay Frankfurt, Xilli Mandzukic Uu Shabaga Soo Taabtay.

Mario Mandzukicmaantasomaliland):-Bayern Munich ayaa sii wadata guulaha ay ku bilowday xilli ciyaareedka cusub ee Bundesliga iyagoo 1-0 kaga badiyay kooxda Eintracht Frankfurt, iyadoo jabisay rikoorka kulamada isku xigxiga Bundesliga ee dhinaca aan dhulka dhigin.

Gool uu dhaliyay weeraryahanka reer Croatia Mario Mandzukic daqiiqadii 13aad ayaa kala saartay labada kooxood ciyaartii ku dhexmartay Commerzbank Arena.

Waana goolkii labaad ee labo kulan oo Bundesliga ah oo uu dhaliyo Mandzukic.

Munich ayaana nasiib ku laheyd go’aan garsoore markii Frankfurt gool looga diiday offside inkastoo ku celiskii la daawaday ay muujineysay inuusan offside aheyn.

Waxaana ciyaarta ku dhamaatay iyadoo kooxda martida loo ahaa ay doodeyso rigoore, waxaana kooxda horyaalka difaacaneysa ay ku badisay 1-0, iyadoo jabisay rikoor cusub, madaama kulankaan uu yahay kulankoodii 27aad ee Bundesliga ee aan dhinaca dhulka loo dhigin.

Kulamada kale kooxda Bayer Leverkusen ayaa 1-0 ku dardartay kooxda Stuttgart oo marti loo ahaa waxaana ay ku kala baxeen gool uu iska dhaliyay Daniel Schwaab.

Kooxda Wolfsburg ayaa iyadana 4-0 ku dardartay kooxda Schalke, iyadoo Luiz Gustavo uu ciyaaray kulankiisii ugu horeysay ee kooxda Wolfsburg isagoo maalmo ka hor ka soo wareegay Bayern Munich.

Werder Bremen waxa ay 1-0 ku qaarjisay kooxda Augsburg, Hoffenheim ayaa 5-1 ku xasuuqday Hamburg, halka Mainz 05 ay 2-1 ku dardartay Freiburg.

Ka dib labo kulan oo la ciyaaray Bundesliga, Bayer Leverkusen iyo Bayern Munich ayaa hogaanka ku haya lix dhibcood iyo seddex gool oo farqiga goolasha ah, halka Mainz iyo Werder Bremen ay iyagana leeyihiin min lix dhibcood.

Kala sareynta oo buuxda ka eeg dhanka midig ee website-ka.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com