Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Qureebaad

Qureebaad buskud kan waxalaga sameeyay badhar ama subag, sonkor, daqiiq iyo hayl. Noocani waa nooca ay caruur iyo ciroolaba jecelyihiin.

Wuxuu ku haboonyahay in mar mar la cuno waayo qofkii aad u badasadaa, caafimaadka uma fiicna wuuna ku naaxayaa.

Markaa waxwaliba waxay ku fiicanyihiin in la yaraysto.qureebaad2

qureebaad1

Waxa loo baahanyahay:

  • 200g/ 1 cub badhar
  • 130g/ 1 cup sonkorta budada
  • 250g/2 1/4 koob daqiiq
  • 1 malqaacad yar oo hayl

 

Habka loo samaynaayo:


Badharka ama subaga dhalaali yara qabooji.
Markuu qaboobo kudar sonkorta dabadeed ku walaaq.
Hadana ku dar daqiiqda iyo haylka dabadeed gacanta ku xash.
Waraaq ku duuduub ama meel qabow talaagada oo kale
oo ku daa ilaa 20 daqiiqadood.
ofinka shid oo gee 180c ama 350f
Soo qaado weelkii ofinka lagua galinaayay.
Daqiiqda la xashay ka soo saar talaagada oo googoo sida sawirka dushu ina tusaayo.
Dabadeed ofinka geli oo ku daa ilaa 20 mirir ama markuu shaaxido kasaar ofinka oo qabooji.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com