Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Wargeysyada-1112111maantasomaliland):-Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena meel kasta oo aad dunida ka joogtaan, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa wararka xanta ah ee wargeysyada ka soo baxa Ingariiska, Spain iyo Talyaaniga ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo aan saaka indhaha soo marmarinay.

Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada ama warbaahinta ku hor qoran, Laacib.net mas’uul kama ahan.

ENGLAND:

Wayne Rooney ayaa caawiye ka ahaa labo guul kulankii ay Manchester United xalay ka badisay Swansea, laakiin 27 jirkaan ayaa weli doonaya inuu ka tago Old Trafford, iyadoo Chelsea ay tahay meesha uu xiiseynayo halka Arsenal ay tahay qorshihiisa labaad. (Sunday Times)

Chelsea ayaa ka gudbin doonto Wayne Rooney dalab 40 milyan ginni ah iyagoo u soo bandhigi doona weeraryahanka reer England heshiis afar sanno oo uu isbuucii ku qaadanayo 300 kun ginni, waana isku daygoodii ugu danbeeyay ee ay ku doonayaan saxiixiisa. Si kastaba, hadii dalabkooda uu guuldareysto, Blues waxa ay u weecan doontaa 24 jirka Borussia Dortmund Robert Lewandowski. (Sunday People)

Rooney ayaa loo sheegay inaan loo ogolaan doonin inuu ka tago Manchester United, islamarkaana uu xilli ciyaareedkan 2013-14 sii joogi doono kooxda heysata horyaalka Premier League. (Mail on Sunday)

Tababaraha Man United David Moyes ayaa ku laaban doono kooxdiisa hore Everton isagoo 18 milyan ginni ku dalbanaya 25 jirka Marouane Fellaini, kaasoo lacagtii 24ka milyan ginni ee lagu burburin karay qandaraaskiisa ay dhawaan dhacday. (Sunday Mirror)

Manchester City ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo weeraryahan Radamel Falcao, iyadoo Monaco laga yaabo inay iska iibiso hantideeda ugu qaalisan sababo la xiriira sharciga canshuurta France. ( Daily Express)

Real Madrid ayaa si maldahan u sheegtay inay filanayaan in Gareth Bale uu ku soo biiro xagaagan iyagoo u dhigay maaliyadiisa No 11 hadii xiddiga reer Wales uu yimaado. (Daily Express)

Chelsea ayaa tartan la galeysa Inter Milan iyo Napoli hadii ay doonayaan inay Stamford Bridge keenaan xiddiga Anzhi Samuel Eto’o. (Daily Star)

Macalinka Barcelona Gerardo Martino ayaa meesha ka saaray in kooxda reer Catalans ay isku dayayso inay soo xerogeliso David Luiz ama Daniel Agger ka dib markii uu sheegtay inuu ku faraxsan yahay daafacyada uu heysto. (The Independent)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Frank Lampard ayaa rajeynaya in kooxda reer London ay la soo wareegto Wayne Rooney. (Daily Telegraph)

Liverpool ayaa u dhaqaaqi doonta weeraryahanka reer Brazil Leandro Damiao hadii Man United ama Tottenham ay ku garaacdo saxiixa xiddiga Anzhi Willian. (Sunday People)

Arsenal ayay tahay inay bixiyaan 25 milyan ginni hadii ay doonayaan 27 jirka kooxda Swansea Michu, halka Gunners ay sidoo kale xiiseyneyso daafaca midig ee Manchester City Micah Richards. (Sunday Mirror)

SPAIN:

Iyadoo Monaco ay dhibaato ka wajaheyso sharciga canshuurta France oo markii ay hore ay ku soo jiidatay ciyaartoyda inaysan bixin doonin wax canshuur ah, ayaa waxa ay keeneysaa inay ka fiirsato inay dib isaga iibiso qaar ka mid ah xiddigaheeda, waxaana Radaml Falcoa loo soo bandhigay Real Madrid, laakiin madaxweynaha Madrid Perez ayaa diiday madaama uu doonayo kaliya Gareth Bale. (Marca)

Manchester United ayaa ka fekereysa inay u dhaqaaqdo labada ciyaaryahan ee khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Mesut Ozil oo 24 sanno jir ah iyo Kaka oo 31 sanno jir ah. (Mundo Deportivo)

U wareegistiis xiddiga Atletico Madrid Ard Turan ee midkood kooxaha Liverpool ama Arsenal ayaa hal talaabo hore socod sameysay ka dib markii wakiilkiisa uu sheegay inuu u dhaqaaqi karo Premier League. (AS)

ITALY:

Napoli ayaa heshiis ka gaartay saxiixa daafaca kooxda Cagliari Davide Astori, waxaana ay sidoo kale ku dhow yihiin inay Argentina kala soo wareegaan weeraryahan Zapata. (Corriere dello Sport)

Iyadoo kooxda Southampton ay isku dayayso inay Pablo Daniel Osvaldo ka dhaadhiciso inuu iyaga ku biiro, waxaa lagu soo waramayaa in Erik Lamela laga yaabo inuu iska diido Tottenham oo uu heshiis cusub u saxiixo Roma. (La Gazzetta dello Sport)

Weeraryahanka Juventus Fabio Quagliarella ayaa ka fiirsanaya dalab cusub oo uga yimid kooxda reer Qatar ee Al-Gharafa, kuwaasoo mushahar qaali ah u soo bandhigay. (Sky Sport Italia)

20 jirka Rafal Wolski ayaa ugu digay kooxda Fiorentina inuu bixi doono hadii uusan boos ka helin kooxda koowaad. (Football Italia)

Wakiilka Cristain Chivu ayaa sheegay in daafaca uu kaga tagi karo kaliya Inter Milan hadii ay kooxda Serie A ka dhisan bixiso lacag magdhow ah, iyadoo Chivu lala xiriirinayay Dynamo Moscow islamarkaana uu kansalayo qandaraaskiisa kooxda San Siro ka dhisan. (Football Italia)

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com