Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wardegdeg ah: Madaxweynaha Somaliland oo Xayiradii ka qaaday wargeyska Hubaal.

breaking-newsHargeysa(maantasomaliland):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxmaed Maxamuud Siillanyo ayaa Maanta Xayiradii ka qaaday Wargeyska Madaxbaan ee Hubaal oo muddo 4Billood ah u Xidhnaa Xukumada Siilanyo .

Siddoo kale waxa uu madaxweynaha Somaliland Cafis u Fidiyey Maareyaha Wargeyska Hubaal Caloolay iyo Tifatiraha wargeyska Hubaal Xassan Keefkef oo hore Maxkamada hargeysi ku xukuntay Muddo 2Sanno iyo ganaxyo lacageed iyada wakhtigaasi ka dib damin ay dibada ku joogeen lagu sii dayey, balse madaxweynuhu uu cafiyey wariyaashi.

Siddaasi waxa Barta Facebook ku baahiyey Agaasimaha Horn Cable Maxamed Ilig oo ka mid ahaa masuuliyiintii warbaahineed ee Maanta kulanka la yeeshay Madaxweynaha ee kala hadlayey arrinta wargeyska Hubaal ee Mudada Xayirnaa.

Wararka kale ee naga soo gadhayey Kulankaasi dhex maray Bahda warbaahinta iyo madaxweynaha ayaa waxa kale oo laysla gartay in wixii khilaaf ka dhex hurinaya warbaahinta iyo Xukumada layska ilaaliyo.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com