Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidamada Booliska oo xidhay Suxufi Hawlmalmeedkiisa shaqo ku jiray.

993948_312601788884958_762872425_nHargeysa(maantasomaliland):- Ciidanka Booliska ayaa Maanta xidhay Suxufi ka mid ah Suxufiyiinta Somaliland kana Hawlgala Shabakada wararka ee Ramaasnews, wariyahan oo la yidhado Cabdiraxman Dhaadhere ayaa markii la xidhayey wax uu ku jiray hawlamalmeedkiisa shaqo, isaga oo markaasi war ka duubayey Qoysaskii mujaahidintii SNM oo maanta cabasho la hortgay madaxtooyada somaliland.

Suxufigan ayaa waxa xidhay ciidamada booliska oo markaasi xidhxidhay qaar ka mid ah hawenkii SNM oo cabanayey.

Wararka kale ee aan helayno ayaa sheegay in uu ku xidhan yahay Sladhiga dhex ee magaalada hargeysa.

Xigasho Waheen

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com