Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kalfadhigii 22-aad ee Golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu furmay xildhibaanadda golahaasi.

cab-cirroHARGEYSA (maantasomaliland):- Kalfadhigii 22-aad ee Golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu furmay xildhibaanadda golahaasi.

Fadhigii maanta oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa mudanayasha loogu qaybiyey Ajandaha kalfadhiga 22-aad oo ka koobnaan doona labo qaybood oo kala ah:-

Warbixinta shir gudoonka, Gudida Joogtada ah iyo Gudiyada Golaha Wakiilada
Mashaariicda sharci ee hor yaal golaha oo ay ka mid yahiin:-

Xeerka Booliska, Waxqabadka xeerka Qareenada, Xeerka maamuuska madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo labada Gole.
Xeerka ka ganacsiga hawlaha Baanka
Xeerka shidaalka iyo macdanta
Xeerka horumarinta waddooyinka
Xeerka hay’adda dib u eegista shuruucda
Xeerka xabsiyada
Xeerka hay’adda HIV-AIDS
Xeerka Caasimadda
Xeerka doorashada Golaha wakiilada
Miisaniyadda 2014
Xeerka doorashada Golaha Guurtida
Waxaa kale oo soo raaca hawlaha ay ka mid yahiin:
U yeedhista mas’uuliyiinta Qaran
Ansixinta mas’uuliyiinta Qaran
Xeerarka ka soo noqda Golaha Guurtida
Iyo waxii kale ee soo kordha kala soco shabakada caalamiga ah ee maantasomaliland.com

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com