Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed, (xagla toosiye)ayaa maanta dhagax dhigay qayb cusub oo lagu kordhinayo qaybta safaynta Kelyaha ee cisbitaalka Guud ee Hargeysa,

xaglotoosiye21HARGEYSA (maantasomaliland):- Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed,
(xagla toosiye) ayaa maanta dhagax dhigay qayb cusub oo lagu kordhinayo qaybta safaynta Kelyaha ee cisbitaalka Guud ee Hargeysa, isla markaana Xadhiga ka jaray dhismayaal cusub iyo dayac-tir lagu sameeyay qaybta daaweynta iyo Nafaqaynta Caruurta ee cIsbitaalkaas.

Xafladii dhagax dhiga oo ay ka soo qayb galeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan,Agaasimaha Cisbitaalka Guud Dr. Axmed X.Cumar Askar iyo masuuliyiinta wasaaradaasi qaarkood.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed, waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay qaban doonaan wixii ay qaban karaan,iyagoo ku xisaabtamaya awoodda dhaqaale ee dalka.

Wasuuka Caafimaadku Waxa kale oo uu isla maanta dhagax dhigay dhisme lagu kordhinayo Qaybta Safaynta kelyaha ee isbitaalka Guud,waxaanuu wasiirku halkaasi ka sheegay in wasaarad ahaan ay ku tala jiraan in ay isbitaalka gaadhsiiyaan heerka isbitaalada caalamka, isaga oo sheegay inuu rajaynayo inay taasi noqoto mid suura gasho inta uu joogo wasaarada.waxaanuu intaa raaciyey in qaybta safaynta kelyaha aynu kaga maaranay dibadihii loo tegi jiray.

Wasiirka wasaarada caafimadka Md. Saleebaan Ciise Axmed, waxa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dhismahan Cusub ee lagu kordhiyey qaybta Caruura ah , waxaanu xusay in caruurtu ay yihiin xubinta ugu muhiimsan Bulshadda, sidaas darteedna ay waajib tahay in la ilaaliyo.

Wasiirka ka hor waxa halkaa warbixin ku saabsan cisbitaalka Guud iyo waxyaalihii laga qabtay dhinacyada adeega iyo dhismayaashaba ka asoo jeediyey Agaasimaha isbitaalka Guud Dr,Axmed x.Cumar Askar. Waxaanuu sheegay in isbitaalka wax weyn laga qabtay,xagga adeegyada kala duwan. Waxanuu intaa raaciyey in isbitaalka laga furiliyey mashaariic badan oo kala duwan.

Dhanka kalena wasiirka wasaarada caafimaadku Waxa uu maanta ku dhawaaqay in qaybtii lixaad ee talaalka dabar goynta cudurka dabaysha uu dalka ka bilabmi doono labaatanka Bishan aynu ku jiro ee Augost.

Waxaanuu sidaasi ku sheegay wasiirku shir jaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay, shirkaas oo ay Goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka wasaarada shaqada iy armiaha Bulshada Maxamud Axmed Barre Garaad,wasiiru dawlaha waxbarashada Axmed Nuur faahiye ,wasiiku xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan iyo saraakiil ka kala tirsan, Hay’adaha WHO iyo UNiCEF.

Wasiirka wasaarda caafimaadku waxa uu ugu baaqay bulshada Somaliland inay ka qayb qaataan Ololaha loogu jiro xakamaynta cudurka dabaysha, ubadkoodna ay geeyaan Goobaha talaalka

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com