Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Markab Sida Toban Kun Oo Tan Oo Deeq Raashin Caawimo Ah Oo Soo Gaadhay Berbera

Dekadda-Berbera1Hargaysa (maantasomaliland):-Markab sida raashin caaawimo ah oo loogu talo galay dadka danyarta ah iyo kuwaguddaha dalka ku barakacay ee degan magalooyinka Somaliland, kaasi oo isugu jira Bariis iyo Daqiiq oo dhan (1000) toban kun oo tan ayaa todobaadkan ku soo xidhay dekada magaalda Berbera.

Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin oo maanta xafiiskiisa uguw aramay war-baahinta, raashinkaasi oo ay Somaliland ugu deeqday dawlada Turkiga ayuu wasiirku sheegay in loogu talo talo galay dadka danyarta ah iyo barakacayaasha ee dalka ku nool isla markaana loo qaybin doono dhamaanba gobolada dalka.

. Axmed Cabdi Kaahin, waxa kale oo uu sheegay in ay si rasmi ah ugala wareegeen dawlada Turkiga oo raashinkan caawimada ah soo gaadhsiisay isla markaana ay wasaarad ahaan sameeyeen qorshihii lagu qaybin lahaa raashinkaasi iyo gobol kasta inta loogu talo galay in la siiyo.

wasiirka wasaaradda Dib-u-dejinta waxa kale oo uu sheegay in dhamaanba dadka dadka danyarta iyo qoysaska barakaceyaasha eek u nool guud ahaanba dalka la gaadhsiin doono raashinkani, iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo gobolada barriga Somaliland, kuwaasi oo uu sheegay wasiirku in ay ka jiraan abaaro iyo duruufo kale oo nololeed.

Ma markii u horaysay oo ay dawlada Turkigu raashin caawimo oo noocan oo kale ah soo gaadhsiiso Somaliland bal se waxa jiray markab horaantii sanadkan dalka keenay raashin deeq ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com