Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidanka Booliska ee Somaliland ayaa Maanta Xabsiga dhigay qaar ka mid ah qoysaskii dhaleen mujaahidiintii SNM ee ku geeriyooday Xorayntii Dalka.

Xukumada Madaxweyne Siillanyo ayaa Ololihii Doorashada ee 2010 Ku Gashay in ay wax u qabandoonto Dadkii ay ka baxeen Mujaahidiintii SNM ee ku dhintay iyaga oo dalka Xoraynaya Waxaanu Siillanyo uu ahaa Guddomiyihii ugu mudada dheera ee SNM oo wax caad ahi aanu ka sarnayn halgankii adkaa ee dadkaasi ku dhinteen.

20130818102455Hargeisa(msl)Ciidanka Booliska ee Somaliland ayaa Maanta Xabsiga dhigay qaar ka mid ah qoysaskii dhaleen mujaahidiintii SNM ee ku geeriyooday Xorayntii Dalka.

Dadkan Ciidamadu xidh-xidheen ayaa u badnaa Haween kuwaasi oo ka cabanayey dhibaatoyin haysta oo la soo darsay oo dhinca Nolosha ah iyaga oo sheegay in Xukumada madaxweyne Siilanyo hore ugu balan qaaday in ay wax u qaban doonto haweenkaasi dhallay mujaahidiintii SNM iyo caruurtii ay ka tageenba oo ku daranyeeysan dalka gudihiisa.

Haweenkan ayaa is hortubay Madaxtooyada horteeda kuwaasi oo sitay Boodhan ay ku xardhanayeen Siillanyo Balanqaadkii aad noo balanqay in aad wax noo qabanayso ka dhabee, mise sidaasi ayaad nagu ilawaday.

Intaasi ka bacdi waxa goobtii soo gaabadhay Ciidamo Boolis ah kuwaasi oo dhamman Dumarkii Goobta ku sugnaa Xabsiga u Taxaabay, iyada oo aan illaa hada la garanynin Meel la geyey.

Xukumada Madaxweyne Siillanyo ayaa Ololihii Doorashada ee 2010 Ku Gashay in ay wax u qabandoonto Dadkii ay ka baxeen Mujaahidiintii SNM ee ku dhintay iyaga oo dalka Xoraynaya, balse muddo 3Sanno ka Dib waxa Hal bacad lagu lisay noqotay Balanqaadka Siillanyo uu Balanqaday ee ahaa in uu wax u qabanayo Agoontii SNM, isaga waxa uu u qabto iska daaye uu Xadhig iyo Hagardaamo ugu daray, Waxaanu Siillanyo uu ahaa Guddomiyihii ugu mudada dheera ee SNM oo wax caad ahi aanu ka sarnayn halgankii adkaa ee dadkaasi ku dhinteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com