Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Macallinka cusub Barcelona Tata Martino oo Sharraxay Sababtii uu u beddelay Messi

(msl:-Kooxda Barcelona ayaa 7-0 ku garaacday kooxda Levante kulankii furitaanka horyaalka Spain, waxeyna ciyaartan qeybta hore lagu kala nastay 6-0.

Macallinka cusub ee Barca, Tata Martino oo kulankan u ahaa kiisii u horreeyay ee xilligan u hogaamiyo Barca horyaalka Spain, ayaa garoonka ka saaray Lionel Messi wax yar uun kadib markii uu garoonka soo galay Neymar qeybta dambe ee ciyaarta.

Tata ayaa sheegay in kaliya uu doonayo in Messi uu nasto maadaama uu sugayo waqti dheer iyo kulamo badan oo xilli-ciyaareedkan ah.

“Horey ayaan ula hadlay isaga, xilliga waa dheeryahay kulama badanna waa na sugayaan, nasashada dhowr daqiiqo oo afar ciyaar gudahood ah waxey ka dhigan tahay nasashada kulanka oo dhan”.

Wuxuu sheegay in uu u beddelay ciyaaryahanka maadaama natiijada kulanka ay dhinac u badatay, balse uusan beddeli laheyn hadii ciyaarta ahaan laheyd mid aan go’aan laga gaarin.

“Hadii ciyaarta aysan dhinac u badan laheyn, aniga iyo qof kalaba ma beddeli laheyn Messi. Ciyaar tan oo kale ah oo waqti hore dhinac u badatay waa muhiim in la nasiyo ciyaartoyda muhiimka ah” ayuu sii raaciyay.

Barcelona ayaa Arbacada soo socota la ciyaari doonta kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan Supercoppa Spain.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com