Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Juventus Oo Hanatay Koobka Supercoppa Italiana Ka Dib Markii Ay U Awood Sheegteen SS Lazio.

chiellini-juve-pile-up490aimsl:-Juventus ayaa sannadkii labaad oo isku xigta ku guuleysatay Supercoppa Italiana iyagoo u awood sheegtay kooxda Lazio oo ay ku garaaaceen 4-0, ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Stadio Olimpico.

Fursadihii ugu horeeyay ee ciyaarta ayaa ahaa laad xor ah oo uu Tevez kaga yaabsaday daafaca, laakiin Vucinic ayaa kubada cirka ku tolay. Arturo Vidal ayaa isna dhexda u joogday laad xor ah oo uu tuuray Cristian Ledesma ka hor inta uusan Andre Dias kubada helin oo uusan shabaqa geeskiisa ku dhufan.

Claudio Marchisio ayaana Juventus dhaawac uga baxay bartamihii qeybta hore ee ciyaarta, iyadoo uu bedelay da’da yarka reer France Paul Pogba.

Pogba ayaana garoonka ku jiray labo daqiiqadoo iyo 35 ilbiriqsi markii uu hogaanka u dhiibay kooxda Bianconeri. Andrea Pirlo ayaa kubad laad xor ah aheyd u dhigay Stephan Lichtsteiner, kaasoo isna darbadiisa ay qof ku dhacday ka hor inta uusan kubada helin Pogbo oo shabaqa dhex dhigay.

Daqiiqadii 33aad ayaana Lazio ay heshay fursad ay ciyaarta ku barbareyn kareen, Gigi Buffon ayaa lagu qasbay inuu faraha cididooda ku bixiyo kubad gantaal aheyd oo ka timid Stefan Radu.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo Juventus ay hogaanka ku heysay, qeybtii labaad markii ay socotay 7 daqiiqo ayay Juve hogaanka dheereysatay, markii counter-attack cajiib ah ay soo qaadeen oo uu hogaaminayay Lichtsteiner, waxaana kubada shabaqa dhex dhigay daafaca Chiellini.

Labo daqiiqo ka dib ciyaarta waxa ay noqotay 3-0 oo Bianconeri ay hogaanka ku heysay, waxaana Vucinic uu kubad u dhigay Lichtsteiner kaasoo ka badbaaday dabinta offside-ka islamarkaana kubada dabamariyay goolhaye Marchetti oo soo degdegay.

Labo daqiiqo kale Juventus ayaa dhalisay goolkeedii afaraad, waxaana markaan shabaqa ku hubsaday Carlos Tevez oo kulankiisii ugu horeysay ee tartan rasmi ah gool kula dabaaldegay, waxaana ay aheyd seddex gool oo lix daqiiqo gudaheed ay Juventus ku dhalisay.

Daafaca Lazio ayaana noqday kuwa kala daadsan iyadoo goolhaye Marchetti uu u baahday lafteertiisa si uu kubada uga badbaadiyo Vidal.

Lazio ayaana markaasi ka dib fursado abuurtay, laakiin waxaa ka horjoogsaday goolhaye Gigi Buffon.

Waxaana dhamaadkii ciyaarta la maqlayay oraahyo cunsurinimo ah oo ka soo yeeraayay taageerayaasha kooxda caasimada ka dhisan, iyadoo digniin looga soo saaray codbaahiyaha garoonka.

Waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay 4-0 oo ay ku badisay kooxda Juventus, waana guushii ugu weyneyd ee ay koobka Supercoppa, iyadoo Napoli ay 5-1 kaga badisay Juve 1990kii.

Juventus ayaa barbareysay rikoorka AC Milan iyagoo haatan wada hantay koobka Supercoppa min lix jiir.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com