Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddiga Taageereyaasha Arsenal ee AST oo dallbaday isbeddel iyo in Wenger uu baxo

Arsene Wenger(msl)-Guddiga Taageereyaasha Arsenal ee loo yaqaano AST (Arsenal Supporters Trust) ayaa ku baaqay in aan heshiiska loo kordhin macallinka kooxda Arsene Wenger oo hal sano u harsan.

AST oo 5% ku leh sheerka kooxda Arsenal ayaa ku eedeeyay maamulka kooxda iyo macallin Wenger iney sabab u yihiin fashil guud oo kooxda ku yimid gaar ahaan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

“Madaxa kooxda Ivan Gazidis wuxuu sheegay qorshe heshiiska loogu cusbooneysiinaayo Wenger, waa wax aan loo baahneyn xilligan” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ay AST soo saareen.

“Waa in diiradda la saaraa maalmaha kooban ee ka haray suuqa kala iibisga, isla markaana laga shaqeeyo sidii kooxda loo xoojin lahaa” ayaa lagu sheegay warka.

Arsenal ayaa ilaa hadda soo iibsatay Yaya Sanogo oo si xur ah ku heshay, waxeyna guul-darro 3-1 ah kala kulantay Aston Villa furitaanka horyaalka Ingiriiska.

AST ayaa ku baaqday in kooxda ay qarash gareyso lacagihii ay faa’iido ahaan u heshay oo lagu qiyaasay 154 milyan oo Gini, taas oo aysan helin kooxaha kale ee Ingiriiska.

“Kooxaha hammiga leh ee kubbadda cagta waxey isticmaalaan lacagaha ay ka helaan taageereyaashooda iyo milkiileyaashooda si ay ugu xoojiyaan kooxahooda” ayaa lagu yiri warka AST soo saartay.

“Taageereyaasha Arsenal waxey bixiyaan oo iibsadaan Tikityada ugu qaalisan si aysan kooxda ula kulmin dhaqaalo xumo, hase yeeshee dib u isticmaalidda lacagtaas ayay wali tabayaan” ayaa lagu yiri warka.

Sidoo kale warka ay soo saartay AST ayaa lagu eedeeyay Stan Kroenke oo ah ninka ugu badan sheerka kooxda Arsenal.

“Stan kama soo qeyb galo kulamada kooxda xataa, wax badan kalama socdo xaaladda kooxda” ayaa lagu yiri warka.

AST ayaa ku baaqday in kooxda u baahan tahay isbeddel xagga maamulka ah, waxey sheegtay in dhammaaan kooxda ay ku guul-darreysatay xagga diblumaasiyadda iyo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Arsenal ayaa usoo baxeysay horyaalka Yurub ee Champions Liiga 16-kii sano ee u dambeysay, hase yeeshee koob ay ku guuleysato ayaa ugu dambeysay 2005-tii markaas oo ay hanatay FA Cup-ka.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com