Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Falaqeenta Man City Vs New Castle, Pellegrini oo Tijaabadii ugu horreysay maraya

man-city-v-newcastle-mb-2(msl)-Kooxda Manchester City oo uu leylinaya macallinka reer Chile ee Manuel Pellegirini ayaa doonaya in ay guul ka gaaraan kulanka ugu horreeya ee macallinkan kulamada tartanka ah marka ay caawa la ciyaaraan kooxda New Castle kulanka furitaanka ee horyaalka Ingiriiska.

Kooxda martida ah ee New Castle ayaanan ka badin kooxda Man City horyaalka England tan iyo sanadkii 2005-ta markaas oo gool uu u dhaliyay Owen kaga badiyeen City.

Sidoo kale kooxda Magpies ayaanan wali ku badin garoonka Ettihad Stadium, taas oo City dooneyso in ay sii dheereyso rikoorradaas.

Inkastoo Asia Trophy uu u qaaday kooxda City kulamadii diyaar garowga xagaaga, haddana Pellegrini wuxuu wajahayaa tijaabadii ugu horreysay ee kulamada tartamada ah, isagoo la kulmay dhowr guul-darro ciyaaraha tijaabada ah.

Macallinka New Castle, Alan Perdew ayaa ku billaabaya horyaalka caqabado dhaawacyo ah oo heysta qaar ka mid ah xiddigahiisa. Loic Remy oo dhawaan kusoo biiray ayaa ka maqan kulankan, halka Ryan Taylor uu ka maqnaan doono kooxda inta badan xilli-ciyaareedka cusub.

Davide Santon oo garabka bidixda daafaca ah ka ciyaara ayaa sidoo kale ka maqan Perdew inkastoo la rajeynayo in Jonas Gutierrez uu kasoo kabsado dhaawac yar.

Dhaawaca Santon ayaa ka dhigan in Perdew uu kulankii ugu horreeyay ee horyaalka ah siiyo Poul Dummett oo 21 jir ah.

“Waxaan horey kulamadooda billowga ah siiyay Mark Noble, Alex Chamberlain iyo Jonjo Shlevey, wax dhib ah kuma qabo” ayuu yiri Perdew.

Wuxuu sheegay in Dummett uu heystay kulamo fiican oo tijaabada ah balse wuxuu dhinaca kale qiray in ay ku adkaan doonto billowgiisa in ay noqoto kooxda Man City oo garoonkeeda la joogo.

“Waxaa uu ka hor tagi doonaa ciyaartoy khatar badan sida Navas oo aan u arko saxiixii ugu fiicnaa ee xilligan” ayuu yiri Alan Perdew oo sheegay in uu rajeynayo in ugu yaraan 10 kulan uu Dummett kusoo billaaban doono xagaagan.

Dhinaca Man City ayaa Pellegrini wajahayaa dhaawacyo badan kulanka ugu horreeya ee horyaalka.

Difaaca Matija Nastasic ayaa dhaawac ka qaba taas oo ka dhigan in Lescott uu kusoo billaaban doono daafaca dhexe oo uu ku wehlin doono kabtanka kooxda Vicente Kombany. City ayaa 8 gool laga dhaliyay seddexdii kulan ee u dambeeyay ee ciyaaraha tijaabada.

Ciyaartoydiisa cusub ee Alvaro Negredo, Navas, Fernandinho iyo Stevan Jovetic ayaa dhammaantood la rajeynayaa in ay helaan kulankoodii u horreeyay ee horyaalka Ingiriiska.

kulankoodii u dambeeyey ay wada ciyaaraan kooxaha Manchester City iyo Newcatle United

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com