Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wargeska Daily Mirror: Gerrard Oo Nabadoon Ka Noqday Xalinta Qilaaf Dhex Yiilay Luis Suarez Iyo Tababare Rodgers.

imagesLuis Suarez(msl)-Steven Gerrard ayaa dib u heshiisiin ka shaqeeyay taasoo la filayo inay keento in Luis Suarez uu sii joogo Liverpool, sida ay qortay Daily Mirror.

Gerrard ayaa xaliyay dhibaatadii dhex tiilay xiddiga diirada u saarnaa Arsenal Luis Suarez iyo tababare Brendan Rodgers, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta xilli ciyaareedka Reds.

Iyadoo Liverpool ay ku adkeysaneysay in Suarez uusan iib aheyn, islamarkaana aan laga iibin doonin xagaagan Arsenal ama koox kale, xiddiga doonayay inuu baxo ayaa candhuuftiisa dib u liqay islamarkaana raaligelin bixiyay.

Si kastaba, Suarez ayaan ka cabsi qabay sida uu u wajihi karo Rodgers madaama xiriirkooda uu xumaaday xagaagan, waxaana Daily Mirror ay sheegeysaa in Gerrard uu ku wehliyay xiddiga reer Uruguay markii uu la kulmayay tababaraha kooxda.

In Gerarrd uu faraha la soo galo arintaan ayaa calaamad waxa ay u tahay ayay leedahay jariiradu in ciyaartoyda kooxda ay aqbaleen inuu dib ugu soo laabto kooxda koowaad.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com