Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Wargeysyada-1112111(msl):-Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena meel kasta oo aad dunida ka joogtaan, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa wararka xanta ah ee wargeysyada ka soo baxa Ingariiska, Spain iyo Talyaaniga ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo aan saaka indhaha soo marmarinay.

Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada ama warbaahinta ku hor qoran, Laacib.net mas’uul kama ahan.

ENGLAND:

Arsenal ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso inay soo xerogeliso ciyaaryahanka 25ka milyan ginni lagu qiimeeyo ee weerarka uga ciyaara kooxda Swansea City Michu madaama ay dhibaato kala kulmeen doonistoodii Luis Suarez iyo Wayne Rooney. (The Independent)

Xiddiga reer Uruguay Suarez ayaa la filayaa inuu sii joogo Liverpool ka dib markii kabtanka Liverpool Steven Gerrard uu xaliyay arinta u dhaxeysay weeraryahanka iyo tababare Brendan Rodgers. (Daily Mirror)

Chelsea ayaa u muuqata inay dalab kale ka gudbineyso xiddiga reer England Wayne Rooney ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga. (Fulham Chronicle)

Tababaraha Blues Jose Mourinho ayaan weli ka quusan saxiixa Rooney, laakiin ciyaaryahanka khadka Michael Carrick ayaa sheegay in ciyaartoyda Old Trafford inay doonayaan inuu kooxda sii joogo. (Daily Star)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric ayaa loola xiriirinayaa inuu ku soo laabanayo Tottenham isagoo qeyb ka noqonaya heshiiska rikoorka adduunka noqonaya ee Madrid ay ku dooneyso Gareth Bale, laakiin waxaa la rumeysan yahay in Modric uu ka jeclaan lahaa Manchester United. (Daily Mirror)

Xiddigii diirada u saarnaa Liverpool Willain oo 25 sanno jir ah ayaa laga yaabaa inuu aado Tottenham, kuwaasoo isku diyaarinaya inay bixiyaan lacagta la duldhigay ciyaaryahanka ee 26 milyan ginni. (Daily Mirror)

Manchester City, Chelsea iyo Arsenal ayaa dhamaantood isku dayaya inay soo xerogeliyaan 17 jirka kooxda PSV Eindhoven Zakaria Bakkali. (Daily Express)

AC Milan ayaa kula biirtay kooxda Liverpool tartanka loogu jiro saxiixa 23 jirka daafaca uga ciyaara Paris Saint-Germain Mamadou Sakho. (Daily Star)

Norwich ayaa qorsheyneysa inay soo xerogeliso labo saxiixi, iyagoo weeraryahan ka soo qaadanaya Galatasaray Johan Elmander iyo Andrea Caracciolo oo ay ka doonayaan Brescia. (Daily Mail)

ITALY:

Inter Milan ayaa ku dhow inay soo gabagabeyso saxiixa xiddiga kooxda Juventus Maurico Isla, halka sidoo kale ay meel sarre ka gaareen wadahadalada ay kula soo wareegayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bologna Saphir Taider. (La Gazzetta dello Sport)

Roma ayaa faa’ido 17 milyan euro ku heshay weeraryahankeedii Pablo Daniel Osvaldo kaasoo si rasmi ah ugu biiray kooxda Ingariiska ee Southampton. (La Gazzetta dello Sport)

Atletico Madrid ayaa saxiixa xiddiga Fiorentina Adam Ljajic waxa ay kaga badineysaa AC Milan (Corriere dello Sport)

SPAIN:

Real Madrid ayaa jeclaan laheyd in Gareth Bale uu sameeyo gadood, laakiin uma muuqato sidaas, waxaana ay Spurs dooneysaa inay hal sanno kale sii ceshato, iyadoo Real Madrid ay isku daygeeda wadi doonto ilaa iyo maanta ugu danbeysa. (Eurosport)

Valencia ayaa gacanta ka taagatay inay u dhaqaaqayaan saxiixa weeraryahanka Atletico Madrid Adrian Lopez. (Football Espana)

Kooxda reer Mexico Monterrey ayaa xaqiijisay in weeraryahan Dorlan Pabon inuu ku biirayo kooxda Spain ka dhisan ee Valencai. (Football Espana)

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com